“Ilmeheedii yar yaraa ayay dagaal u kaxaysay oo ay qaar uga soo dhinteen!” – Dhegeyso

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2021 – Haweeney ku noolayd galbeedka Sweden oo haatan kasoo guryo noqotay kooxda Daacish oo ay horay ugu biirtay ayaa loo haystaa inay ku kacday dembiyo dagaal oo halis ah iyo inay ku xadgudubtey xeerka caalamiga ah intii ay joogtey Suuriya.

Sida uu sheegayso dacwad ooge Reena Devgun oo u warrantay SVT, waxaa haweenaydan loo haystaa inay gacan ka gaysatey in carruur la askareeyo.

Haweenaydan oo 49-jir ah, sanadkii tegeyna kusoo noqotay Sweden, ayaa Khamiistan lasoo taagey Maxkamadda Degmada iyadoo dembiga loo haysto la sheegay inay gashay mudadii u dhaxaysey 2013 oo ay dalkaa tagtay si ay Daacish ugu biirto ilaa 2016-kii.

– Waxay ku eedaysan tahay in iyada iyo qaar kale ay ku heshiiyeen inay gacan ka gaysteen in carruur aan gaarin da’da 15-jirka la askareeyo, ayay tiri Reena Devgun.

Haweenaydan ayaa sidoo kale Suuriya u kaxaysay 5 carruur ah oo ay dhashay, iyadoo sawirro uu helay barnaamij wareedka SVT Nyheter oo horay loo baahiyey ay muujinayaan noloshii naxdinta badnayd ee qoyska ee dalka ay dagaalladu daashadeen ee Suuriya, sida carruurta qaarkood oo qoryo sita iyagoo ag taagan maydad uu jirkoodii googo’ay.

Kaaga darane, lab ka mid ahaa carruurteeda ayaa markii dambe ku dhintay Suuriya kuwaasoo kala jirey da’da 14 iyo 18-jirka, halka 2 kalena waxaa kala wareegtey Hay’adda Daryeelka Carruurka LVU markii ay kusoo noqotay Sweden.

Carruurta ayaa la sheegay in usoo joogeen xaalado “si aad u qallafsan” intii ay Syria jireen, iyadoo haweenayda eedaysan oo dafirsan inay wax dembi ah gashay lagu soo rogey xayiraado ay ka mid yihiin in lala soconayo nooca ay yihiin dadka soo booqan kara iwm, taasoo rukhsad loo siiyey dacwad oogaha.

Hadalsame Media