Robot nooca hawada sare ah oo uu Turkigu sameeyey oo ku guulaystey abaalmarin caalami ah

0

(Warsaw) 22 Sebt 2021 – Arday ka socota Jaamacadda Farsamada ee Istanbul Technical University (ITÜ) ayaa ku guulaystey laba abaalmarinood mar ay tartan uga qayb galeen dalka Poland kaasoo la yiraahdo European Rover Challenge.

Tartankan oo ah midka Yurub ugu wayn ee lagu tartansiiyo robot-yada hawada sare, ayay ardayda Turkigu kusoo bandhigeen robot jiilka 6-aad ah, iyagoo qaatay billado laba ah oo ay ku jirto “kooxdii ugu fiicnayd dhanka dayactirka deg degga ah.”

Robot-yada ayaa ku tartamayey dhanka bandhigga howleed, farsamada iyo hufnaanta howsha, waana nooca loogu tala galay inay maraan oogada meerayaasa sare sida Bisha, Mars iwm.

Waxyaabaha lagu tartamayey ma sahlana waxaana ka mid ah in la maro dhul loo ekeeysiiyey meerayaashaas dhibka badan iyo in remote lagu cillad bixiyo robot-ka haddii uu hallaabo iyadoo la adeegsanayo gacan macmal ah oo isla robot-ka ku dheggan.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in robot-ku uu u shaqeeysto si madax bannaan ama qayb ahaan madax bannaan, inuu xogo soo gudbin karo, inuu ciid iyo samballo dhulka kasoo qaadi karo iwm, iyadoo ay ardayda Turkigu soo bandhigeen robot gacantiisa laga mitaaley midka insaanka, sida uu sheegay Burak Aydın, kabtanka kooxda Turkiga ah oo la hadlay Demirören News Agency (DHA).

Ilaa 46 arday oo ka kala socda waaxo kala geddisan oo ka tirsan Jaamacadda ITÜ ayaa muddo sanad ah ku diyaariyey robot-kan.

Semih Çolakoğlu, oo ka tirsan injineeriyadda geophysics-ka ayaa sheegay inay la tartameen arday ka socota 15 dal.

Hadalsame Media