Hay’ad ka tirsan QM oo dhaliil ula kulmaysa dalal Somalia ka mid tahay oo xubneheeda ku jira darteed

0
The United Nations Human Rights Council in Geneva, seen earlier this year during a presentation on the conflict in Syria. On Tuesday, Secretary of State Mike Pompeo and Ambassador Nikki Haley announced that the U.S. will be withdrawing from the council.

(Geneva) 21 Sebt 2021 – Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa waxaa aalaaba ku jira 47 dal oo ka tirsan QM, kuwaasoo 3 sanadood kaddib ay bedelaan 47 kale, waloow aysan khasab ahayn in isbedelku uu dhaco hal mar oo ay dalalka 47-da ihi wada baxaan.

Yeelkeede, Martin Rodgers oo ah aqoonyahan aad u dhaliila QM ayaa soo qaatay magacyada dalalka haatan ku jira golahan qaarkood, kuwaasoo ay ka mid tahay Somalia.

Wuxuu ninkan oo dalalka uu magacyadooda soo qaatay ku tuhmaya inay iyaguba xuquuqda insaanka ku tuntaan oo aanayn taagnayn boos ay ugu doodaan xuquuqda aadaha caalamka ayaa ku dul qoray:

”Anigu ma samayn liiskaan, balse waxay muujinaysaa siyaasadda saxan ee sanadka 2021” ayuu yiri isagoo deeto ku lifaaqay maqaal uu ku dalbanayo in ugu yaraan golahan oo ay xaruntiisu tahay Geneva, la ballaariyo oo laga dhigo mid ay mar qura wada galaan dhamaan xubnaha QM.

Wuxuu deeto taxay dalalka haatan ku jira iyo kuwo kusoo biiri raba dhowaan oo ay ka mid yihiin Qadar, Malaysia iyo Kazakhstan.

Hadalsame Media