Dood cusub oo ka taagan qaraxii uu ku dhintay Guddoonkii Hore ee Gobolka Banaadir

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2021 – Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Alle ha u naxariisto Eng Cabdiraxmaan Yariisow, ma ismiidaamin ayuu ku dhintay mise miino kursiga iyo miiska loogu xiray?

Basiira oo aheyd gabar indhool ah miyaa ismiidamisay oo dishay mise waa la iska masabitay maadaama aysan isdifaaci karin oo ay dhimatay!. CCTV cameradii Xarunta Gobolka Banaadir xagee Ku dambaysaa?

Ikraan Tahliil, oo ahayd xoghaynta gaarka ah ee Eng Yariisow, kana socotay xilligaas NISA, ma Xog-ogaal nimadeeda kiiska eng Yariisow ayey sababsatay maadaama haatan mudo sadex bilood ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn ?!!…

Dilal badan oo loo gaystay saraakiil iyo askar NISA ahayd ma waxay sababsadeen isla kiiska eng Yariisow…

Hadii aysan maxkamadu kiiskaas horumar ka samayn kiisaska kale ee la xariira oo kan Ikraan Tahliil, ka mid yahay wax horumar lagama gaari doono..

Furaha Baarista dilalka Saraakiisha NISA waa in laga soo bilaabo Dilkii Alle ha u naxariistee Eng Yariisow..

Qalinkii: Jen. Abdalla Abdalla, Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Hadalsame Media