Waa maxay farqiga u dhexeeya labadan sawir ee ay wada galeen RW Rooble & Qoor Qoor?!

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2021 – Waxaa shalay kulmay RW Rooble iyo Md Qoor Qoor, kuwaasoo isku afgartay in la qaboojiyo xiisadda ka dhex taagan Rooble iyo Farmaajo oo uu khilaafkoodu faraha ka baxayey todobaadyadii ugu dambeeyey.

Farmaajo & Rooble ayaa sidoo kale ogolaaday inay markale kulan yeeshaan oo uu nin walba kasoo dego qarka uu saaran yahay, gaar ahaan MW Farmaajo oo isagu ahaa ninkii soo saaray warqaddii ugu horreeysey ee diidaysey xil ka qaadistii Fahad.

”Waxay u badan tahay in wax lagu heshiin doono haddii hadda la is hor fariisto, waayo Farmaajo waa garowsaday inaysan mar kasta soconaynin ”inuu arrin kasta u wajaho sidii dagaal ay tahay in lagu kala guulaysto.” ayuu yiri qof xog-xogaal ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin oo Hadalsame u warramay.

Haddaba, maxay ku kala duwan yihiin labada sawir idiin muuqda?

Sawirka 1-aad ee suudadka ay gashan yihiin waxaa la qaaday maalintii uu Qoor Qoor Farmaajo u geeyey Rooble ee uu ballan kaga qaaday in wixii Rooble ka yimaado uu isaga damiin ka yahay. Waana xilli aan wax khilaaf ah aysan jirin oo Rooble uu xil doon ahaa, Qoor Qoorna uu ka odyeeyey.

Sawirka 2-aadna waa hadda oo Qoor Qoor uu mar kale labada nin inuu kaligiis dhex galo isku dayey oo ay ka yeeleen inuu kulan siiyo.

Hadalsame Media