Vietnam oo farta ku fiiqday mas’uuliyad ay gabeen Farmaajo & Rooble

0

(New York) 20 Sebt 2021 – Dowladda Vietnama ayaa dhinacyada ku lugta leh arrimaha Somalia ugu baaqday inay xalliyaan khilaafaadkooda oo ay wax walba ka hormariyaan danaha qaranka, si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, sida uu yiri Danjire Pham Hai Anh, Ku -xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay.

Danjire Pham Hai Anh, ayaa mar uu ka hadlayay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay xaaladda Somalia, ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhinacyada ku lugta leh khilaafku ay la yimaadaan qaab lagu xallin karo dhibaatada.

Waxa uu intaa raacshey in uu jiro door ay ka leexdeen madaxda oo uu waajib ka saaran yahay oo looga baahan yahay inay dhisaan kalsoonida shacabka, isagoo soo jeediyey in xoogga la saaro qabsoomidda doorashada iyo hirgelinta Heshiiskii 27-kii Maajo.

Wuxuu caddeeyay inuu taageersan yahay doorka iyo gacanta ay gaysanayaan ururrada gobolka iyo kuwa qaaradeed sida Midowga Afrika (AU) iyo Urur Goboleedka IGAD (IGAD) si loo xalliyo khilaafka taagan.

Hadalsame Media