Ninkani wuxuu isku dayey inuu murqaha waynayso balse maxaa ka raacay?!!

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2021 – Ninkaan dhallinyarada ah waxaa lagu magacaaba Kirill Tereshin wuxuu u dhashay waddan ka Ruushka. Ninkaan oo 25 jir ah ayaa is uu murqaha u waaweynaysto wuxuu isku duray maadada Synthol, laakiin maxaa ku dhacay?!

Ninkaan ayaa murqaha gacmohiisu waxay u waaweynaadeen si aan caadi ahayn oo uusan filayn. Hadda ayaa lagu samaynayaa qalliin looga saarayo murqahaan, kaas oo haddii uu fashilmo sababi kara in labada gacmood la gooyo.

Dhakhtar ka qalaya ayaa sheegay in xitaa haddii murqaha waaweyn laga soo saaro, ay wili suntii maadadu jirkiisa kusii jirayso, taas oo sababi karta in killiyuhu istaagaan uuna dhinto.

Ninkaan ayaa yiri “aad ayaan u welwelsanahay… waxay ahayd inaan ka fekero waxa dhici kara intii aan saan samayn, markii aan 20 jir ahaa ayaan saan u galay jirkayga, nacasnimi ayaa i haysay, aniga ayaa dambiga iska leh oo cid kale ku eedayn mayo.”

~ The Daily Mirror | Yamyam Plus+

Hadalsame Media