Faransiiska oo uu xaalku ku xun yahay, dal kale oo reer Galbeed ah oo uga baxay dayuurado uga dalbanaa & tillaabo uu qaaday

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2021 – Dalka Faransiiska ayaa jugo badan oo diblomaasiyadeed kala kulmaya dalal badan oo reer Galbeed ah oo uu olol la yahay, min Min Maraykan, Australia, UK ilaa Switzerland. Maxaa dhacay haddaba?

1 – Marka Hore USA, UK iyo Australiaayaa ku dhawaaqay Heshiis loogu magac daray A-UK-US, kaasoo 3 daan dal iska kaashan doonaan Sidii Australia loosiin lahaa Technology iyo Gujisyo leh Nukleer Energy.

Faransa ayaa ka xanaaqday isla markiina u yeertay Safiiradoodii USA iyo Australia, Faransa ayaa Heshiis 31 Billion Dollar ah oo ay Australia ugu sameeneeso Gujisyo Horey uga saxiixatay, talaabadaan ayaana ka dhigan in Heshiiskaas Gacta la mariyay.
Midowga Yurub ayaa Garab istaagtay Faransa iyagoona sheegay in Australia heshiiskaan ka bixi karin, Sidoo kale North Korea iyo China ayaa ka xanaaqay sheegayna in USA Nukleer Hub ah iyo Gujisyo ay ku yeelaneeso Badda Pacific-ga.
Dhanka kale France ayaa Baajisay Shirkii uu Wasiirkooda Difaaca la lahaa Dhiigiisa UK.
2 – Faransa ayaa mar kale ahan kala kulantay Switzerland, kadib markii ay Dowladda Switzerland ay sheegtay inay ka doorbiday Diyaaradii Dagaalka Refale ee Faransa horeyna isku afgarteen inay ka iibsadaan, Switzerland ayaa u jiheesatay Diyaarada Mareekanka ee F-35.
Macron ayaa baajiyay shirkii uu la lahaa Madaxweynaha Switzerland Guy Parmelin.

Maxaa kaaga baxay?

Waxaa Diyaariyey: Sakariye Maxamed Saalax

Hadalsame Media