DAAWO: Muqdisho oo lagu sameeyey gaarigii ugu horreeyey oo caadi u shaqaynaya

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2021 – Wiil lagu magacaabo Cabdullaahi Cismaan Daahiye oo Injinneeriyadda bartay ayaa sameeyey gaarigii ugu horreeyey ee Muqdisho lagu sameeyo.

Inj. Cabdullaahi oo waxbarashada heerarkeeda kala duwan min dugsi hoose ilaa Jaamacadda Injineeriyadda ku bartay Muqdisho oo uu ka dhigtay Jaamacadda Hormuud ayaa sheegay in uu gaarigan oo ah isku daygiisii ugu horreeyey uu ku sameeyey muddo sanad ah.

”Weligay waa jeclaa injinneeriyadda dad badan ayaana la yaabayey maalintii aan bilaabayey dhismaha gaarigan, waxaana nagu kaalmeeyey isla jaamacadda.” ayuu yiri Inj. Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in uu bartay injinneeriyadda qaybta makaanikada oo uu tilmaamay inay ka ballaaran tahay sida ay dadku u fahamsan yihiin oo ah wax garaash iwm la xiriira.

Wuxuu intaa raaciyey in dadku ay mararka qaar u malayn jireen inaan xitaa waalan nahay, balse markii dambe ee ay gaarigii dhamaystireen oo rijiyeeyeen gaarigan oo dusha ka furan ay dadku yaabeen, isagoo sheegay inuu wax kasta leeyahay, marka laga reebo qaybta hannaanka qaboojinta ee raayatooraha.

Gaarigan ayaa u baahan woxoogaa farsamayn ah iyo juustayn oo haddii wax lagu sii dar daro lana maalgeliyo uu noqon karo gaari caadi ah.

Halkan hoose ka daawo gaarigan oo ah nooca marshada ku shaqeeya.

Hadalsame Media