Baaritaan culus oo ku socda sida ay dhalooyin khamri ihi kusoo dhex galeen dayuuradda Air Force One (Xeer ka degsan)

0

(Chicago, Il) 20 Sebt 2021 – Sharikadda Boeing ayaa baaris deg deg ah oo gudeed bilowday kaddib markii dhalooyin faaruq ah oo laga dhamaystay khamriga tequila laga helay dayuuradda aadka loo ilaaliyo ee MW Maraykanka ee Air Force One oo nooc cusub haatan loogu dhisayo Gobolka Texas.

Labadan dhalo ee aalkolada ah ayaa la helay bishan iyagoo dhex yaalla dayuuradda oo lagu samaynayo wershad ku taalla magaalada San Antonio, sida uu helay The Wall Street Journal.

Afhayeenka Boeing ayaa wargayska isna u sheegay in arrintani ay tahay ”mid gudeed” oo ay shirkaddu ka shaqaynayso hagaajinta tayada iyo qaabka ay wax u qabtaan.

Aalkolada ayaa caadiyan mamnuuc ka ah wershadaha Boeing, waxaana lala yaabban yahay qofka lasoo galay gudaha dayuuradda oo haatan maraysa marxaladdii dhismaha ee kaddib uga tegey markii uu dhamaystay.

Waxay maamulka shirkaddu sheegeen inay arrintan ula xaali doonaan si dhab ah, balse weli ma ay sheegin inay heleen qofkii arrintan sameeyey iyo nooca ay tillaabada ay ka qaadeen toona.

Shirkaddan ayaa haatan dhisaysa laba dayuuradood oo Air Force One ah oo isu eg iyadoo xitaa la bedelayo midabkii hore ee buluugga ahaa, kuwaasoo laga maduufikeeyey 747-8 oo loo yaqaan VC-25B, waxaana qofkii gudeheeda gelaya iska daaye xitaa shaqaalaha dhisaya looga baahan yahay inay kasoo gudbaan baaris amaan oo dib ugu laabanaysa noloshooda, sida uu qorayo Wall Street Journal.

Noocyada haatan la dhisayo

Hadalsame Media