Sheekh caan ah oo ka hadlay sifooyin uu ku yaqaanney Farmaajo & Rooble (Su’aal uu qabo)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Sheekh Maxamed Idriis ayaa qoraal yar ka sameeyey sida uu u arki jirey madaxda haatan is khilaafsan ee aan midkoodna wax tanaasul ah muujinaynin.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan ku aqaaney nin waddaninimo leh, dalkiisa in uu u adeego, gobanimadiisa iyo sharaftiisana jecel, hanti guudna hunguri kaga jirin,” ayuu Sheekhu qoraalkiisa ku furay.

“Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaa iiga muuqatey diin iyo daacadnimo iyo in uu caddaalad jecelyahay. Qofna qalbigiisa kuma jiro, qiyaamana la ii soo istaajin maayo, laakiin waa inta iiga muuqatey, Ilaahay baa qof walba og oo xisaabinaya.

“Waxaan la yaabbanahay oo is weydiinayaa: xagee wax ka qaldan yihiin? beladu xagee ka socotaa? Ilaahow tawfiiqda waafaji, oo talada u fiican dalka iyo dadka ku toosi.” Ayuu raaciyey.

Si kastaba, khilaafkan mar kasta dhexmara madaxda sare ee DF Somalia ayaan kaliya dilaynin fursadihii dib u dhiska dalka iyo dowladnimada, balse wuxuu sidoo kale dilayaa sumcadda Soomaalida oo ay ku suntan tahay inay yihiin bulsho aan is xukumi karaynin.

Hadalsame Media