ISKA ILAALI: Kiiska Ikraan Tahliil oo soo saaray baxaalli nagu dhex qarsan oo halis ah!!

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Sow ma nihin dadqalatooyin? Dadku abuurtiisa waa duugaag. Miciyaha, ciddiyaha, hilib cunnimada, cadawnimada dabciga u ah iyo sida uu isu gumaado ayaad ku garataa dugaagnimadiisa.

Laakiin qaddar horumar ilbaxnimo iyo akhlaaqeed oo uu sameeyay, iyo in uu yeeshay diimo iyo xeerar uu ku wada dhaqmo in badanna ku ka la badbaado, ayaa ka soo yara qaadday heerkii u gu hooseeyay ee dugaagnimada oo siisay sifooyin dadnimo.

Dhaldhalaalka iyo dheeha guud ee dadka maanta ka muuqdaa waa intaa, laakiin goor kasta duruuf la kulanta ayaa soo saari karta dugaagnimadiisa. Dagaalka, dilka iyo is addoonsiga ayaa u gu horreeya waxyaalaha dheeha ka qaada ee bahalnimadiisa soo saara.

Bal ka warran qof bani aadan ah nafta ka goynaya oo mayd ka dhigaya, dabadeed ku farxaya! Dagaalladii sokeeye ee Soomaalida ka dhex holcay sannadkii 1978 welina sii qiiqayaa wax ay aad u muujiyeen bahalnimadeenna, maamul, qabiilooyin, kooxo iyo shakhsiyaadba. Waa la is wada qashay.

Laakiin bahalnimadaa heerkeeda u gu xumi ma ahayn dagaalka iyo dilka qudhooda, taas oo ku iman karta in dadka dagaallamayaa ciil iyo cadho aanay xakamayn karin oo bahalnimo ah is ku la dhacaan, se bahalnimada dhabta ahi waa in xilliga nabadda ay dadka qaar difaacaan ama ku faanaan dadqalnimadii ay ku kaceen.

Soomaalida dadqalnimadii la soo maray difaaca, qurxiya ee ku faana ma yara, inta aan anigu maqlay. Ikraan Tahliil Faarax wax ay ahayd gabadh Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, ahaydna sarkaalad ka tirsan ciidanka amniga iyo sirdoonka.

26 bishii Juun iyada oo hawl qaran ku gudo jirta ayaa la waayay raq iyo ruux. Gabadha in la waayay waxaa ka daran in dadkii dawladda sheeganayay, dembibaadhis iyo garsoor toonna, aanay wax dan ah ka galin, wax xog ahna ka bixin.

Haddana maalin maalmaha ka mid ah ayay kuwaasi si yar oo macno daran internet-ka u gu soo qoreen “Ikraan Shabaab bay u gacan gashay oo dilay”. Hadalkaasi in uu been yahay oo aan cid rumaysatay jirin waxaa ka sii daran in ayna uba haysan in wax weyni dhaceen. Dugaagnimada dawladeed iyo bulsheed waxaa caddaynaya in suuqa la soo galiyay gabadhu in ay shisheeye la shaqaysay.

Run iyo beenba eeddaa waxaa la gu bannaysanayaa dadqalnimada, waxaana la gu difaacayaa dadqalatooyinka. Waxaa meesha la ga saarayaa dadnimada, akhlaaqda iyo sharciga ah in qofka eed kasta oo loo haysto aan la xukumi harin ciqaabna la gu fulin karin jeer maxkamad sharci ahi eeddaa ku caddayso oo ku xukunto.

Haddii aanay sidaa ahayn, caawa maxaa diidaya in Farmaajo iyo Fahad cidda doontaa madaxa ka toogato? Waxa meesha yaallaa wax kale ma aha ee waa dugaagnimo innagu jirta iyo nolosha dadka oo aan wax qiimi ah agteenna ka lahayn.

Haddii kale gabadh dhallinyaro ah oo la qashay ama la qarsaday ma aynnaan quudhsanneen, dadqalladiina ma aynnu ammaanneen.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media