Deni oo dejiyey qorshe sidii bilyaardigii u samaysan & nuxurka guuritaankiisa shaxda dhigan

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – SICIID DENI ‘Meelaan Rabay Roob Ma iigu Da’ay’.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waa Ninka Kaliya Ee siyaasadiisu Cadahay marka loo fiiriyo Hankiisa Kursiga Ugu Sareeyo Ee Dalka.

Waxa uu ilkaha Ka Siibay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Isagoo Heshiiska Doorashada Ku Saleeyay Hankiisa Madaxtinimo Taasoo umeel Martay.

Markii uu kasoo jeestay Deni Madaxweyne Farmaajo Waxa uu Naxash Saaray Siyaasiyiin isku heystay inuu iyaga Dhisayo ee Midowga musharaxiinta isaga oona u lasoo baxay kaar uqarsanaa oo uu meesha uga saarayo Midowga Musharixiinta.

Rooble Vs Deni, Labadaan siyaasi ayaa markii hore Sameeyay Isla jaanqaad Siyaasadeed iyo isku Dan, Rooble waxa uu ka fiirinayay dhankiisa iney wadanka doorasho kadhacdo oo uusan musharax ahayn taasi waxa ay Madaxweyne Deni usii dhoweysay Madaxtooyo iyo Fursad cusub.

Ugu Dambeyn Rooble waxaa looga siibtay Dagaalka kala dhaxeeyo Farmajo isagoo kal hore rooble u arkayay iney wiiftooyin ku garab istaagi doonaan Puntland iyo Jubbaland hadii khilaafka Madaxda sare Baaho sidii mar horeba ay ugarab istaageen.

Madaxweynaha Puntland ayaa u arkaya Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha oo Daaqada ka baxa in isagu Tolo karo Shaar Doorasho oo la eg oo cid uu kala hadlayo hada kadib aysan jirin marka laga reebo Dowlad Goboleedyada Sidaas ayaana ka dambeysa in Shir ugaar ah Dowlad Goboleedyada uu 21 bishaan lagu balamo inuu ka dhaco garoowe .

Ugaarsade ka Dhex Faa’iiday Ugaar Badan oo Isbuuratay. Ha yeeshee, ma hubbana inay howshu marka dambe u sahlanaan doonto, sida uu u qoondeeyey una qaaddeeyey.

Waxaa Qoray: Maxamed Ciise Koonaa

FG: Qoraal walba wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media