Muqdisho & magaalooyin kale oo Somalia ah ayaa kulayl lala joogi la’yahay (Bal si cilmi ah u ogow sababta)

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2021 – Dad badan ayaa ka cabanaya kulaylka jira iyagoo leh ”ma Maarso ayaa noo dhuumatay waa see lamaba gaarine?”

haddii aan ka jawaabo, qorraxdu laba jeer ayay sanadkii dhul-baraha dul taagan tahay, waa Maarso 21 iyo Sebtember 22-keeda.

Waxaa loo yaqaanaa Equinoxes oo Soomaali ahaan noqoneysa Caano maalo isla eg, yacni habeen iyo maalin isla eg, 12 saac habeen ah iyo 12 saac maalin ah.

Waana xiliyada Guga iyo Dayrta, sida qoraalku u kala horreeyo. Sidaa darteed qorraxdu haatan falagga dhul-baraha ayay dul taagan tahay oo ku beegan tahay, wadamadda dhulbaraha kulaala wa xilliga eey ugu kuluyihiin misana roobbanyihiin.

Taasaa kuleylka noogu wacan.

Vector diagram illustrating Earth seasons. Autumnal and vernal equinoxes, winter and summer solstices concepts.

Waxaa Diyaariyey: Cabdinuur Caanogeel

Hadalsame Media