Kiiska Ikraan Tahliin wuu ka qara wayn yahay sida la moodayo!

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2021 – Kiiska gabadha Soomaaliyeed ee Ikraan Tahliil Faarax, waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay si weyna ummaddu ay u hadal hayso.

Waxaa la isku raacsan yahay in kiiskaas la baaro, cidii ay ku cadaato la maxkamadeeyo si gabadhaas ay cadaalad hesho taasoo fure u noqon karta in kuwa dulmiga gaysta ay cashar u noqoto.

Sidoo kale waa inaan ogaanaa in Ikraan Tahliil, iyada keliya aysan aheyn qofka cadaaladda u baahan ee waa inaan maanka ku haynaa in qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, oo dulmi loo gaystay uu u baahan yahay cadaalad.

Dulmiga waa mugdi, waa murugo, waa dulinimo, waa diif iyo arag xumo iyadoo dadka dulmiga gaysta ay dunida kala kulmaan ciqaab deg-dega ah, aakhirana ay u tahay hoog iyo ba’.

Haddaba ka fogow dulmiga, ogowna waxaa garab siiya dulmiga daalimiinta, cadaaladda garab u noqo taasaa liibaan kuu ah Aduun iyo Aakhiro.

Alle (sw) waxa uu yiri ‘’ Addoomahaygiiyoow naftayda waxaan ka xaaraantinimeeyey dulmiga, dhexdiinana waxaan ka dhigay mid xaaraan ah’’.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media