ISKA JIR! Xisbi keenay hindise ah in iqaamadda laga ceshado qofkii booqda dalkii uu kasoo qaxay (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 18 Sebt 2021 – Xibsiga Moderate-ka ayaa sheegay in uu sahli doono in iqaamadda degaanaanshiyaha Sweden (Uppehållstillstånd) oo ay Soomaalidu u taqaan ”sharciga”, laga ceshado qofkii lagu helo inuu dib ugu laabtay dalkii uu kasoo cararay.

“Haddii aad dalxiis ku tagto dalkii aad kasoo carartay markii aad magangelyada waydiisanaydey Sweden, ma jirto sabab aad ugu baahan tahay in halis lagaa ilaaliyo.” ayay tiri afhayeennadda siyaasadda socdaalka ugu qaybsan Xisbiga M, Maria Malmer Stenergard, oo goor dhowayd u warrantay Ekot.

Murankan oo muddo soo taagnaa ayaa ka bilowday kaddib markii ay dad qaxootinnimo ku deggan Sweden ay dib ugu laabteen dalal ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Suuriya.

Siyaasiyiinta qaar ayaa keenay dood ah in dadkan ku laabanaya dalalkii ay mar sheegeen inaysan joogi karin ay ama been sheegeen ama haddii ay ku laabtaan aysan jirin oo ay joogsatey halistii uu kasoo cararay.

Xisbigan oo haatan mucaarad ah balse ka mid ah labada xisbi ee ugu waawayn Sweden sanadihii dambena adeegsanayey siyaasadda xisbiga soo galooti-diidka ah ee SD, ayaa doonaya in xitaa qofkii muddo dheer ku noolaa Sweden laga celin karo iqaamadda deganaanshaha, isagoo hay’adaha kale sida Social-ka ka codsaday inay Waaxda Socdaalka ka caawiyaan inay ogaadaan dadka safarradan sameeya.

FG: Dadka laga hadlayo waa kuwa haysta baasaboorrada yar yar, balse warkani ugu yaraan haatan ma khuseeyo dadka haysta dhalashada Sweden.

Hadalsame Media