WAR CUSUB: Maxaa laga yeelayaa rakaabkii saarnaa dayuuradda Turkiga ee Jabuuti ku xayirnaa?!

0

(Jabuuti) 17 Sebt 2021 – Diblomaasiga reer Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ka hadlay wacaal cusub oo ku saabsan rakaabkii saarnaa dayuuradda Turkish Airlines ee lagu xannibay dalka Jabuuti.

Wuxuu Yuusuf oo sidoo kale ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa boggiisa Twitter kusoo qoray in rakaabka oo idil dib loogu celinayo magaalada Istanbul oo ah xarunta Turkish Airlines.

Wuxuu intaa raaciyey in rakaabka dib loogu celinayo dalkaasi Turkiga ay marka dambe soo raacayaan duullimaad kale oo Muqdisho ka dejin doona.

Yuusuf se ma faahfaahin sababta keenaysa in dib loogu celiyo Istanbul ee aan loogu ogolaanin inay dayuuraddu duullimaadkeeda kasii wadato dalka Jabuuti oo aad ugu dhow halka ay u socotey, iyadoo la dareensan yahay inay arrintan iskula dhacsan yihiin Jabuuti iyo Turkigu.

Waxaa sidoo kale ay hadallo is burrinayaa kasoo baxayaa arrina Fahad Yaasiin iyo in la xirey, in la xayiray iyo guud ahaanba sababta uu duullimaadku u hakaday.

Hadalsame Media