Min 2 khalad oo ay sameeyeen Farmaajo & Rooble oo khilaafka sii ragaadiyey (Waxa gudboonaa ee ay gabeen & tillaabada ay tahay in la qaado?)

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2021 – Cidna uma baahna in looga qiseeyo sida uu ku bilowday khilaafka haatan taagan ee usii xuub siibanaya mid goboleed ama xitaa caalami ah kaddib markii uu dhaafay heer maxalli, sida liidata ee loola xaalay darteed.

Haddaba, waxaannu eegaynaa khaladaadka ka yimid madaxda sare ee keenay inay xaaladdu calowdo oo ay sii xumaato iyadoo aan la isku dayin wax xal ah, balse la isla xafiilmatay, weliba si ay mas’uuliyaddu aad uga fog tahay.

Khaladka 1-aad wuxuu ka bilowday sida uu Farmaajo uga fal-celiyey warqaddii Rooble xilka uga qaaday Fahad Yaasiin, waayo sida ugu fiicnayd waxay ahayd inuu arrintaa kaarto bax ka dhigto oo aqbalo xil ka qaadista isla markaana sheego inuu ogol yahay in kiiska la baaro.

Yeelkeede, taa biddaalkeeda, wuxuu galay xafiiltan iyo wax ay dadka qaarkood ku tibxeen ”is maqiiq iyo is miidaamin siyaasi ah”, isagoo soo saaray warqado badan oo is daba joog ahaa oo ay ugu darrayd middii uu shalay ku sheegay inuu awoodihii ka xayuubiyey RW Rooble.

Khaladka kale ee MW Farmaajo sameeyey waa inuusan xeerinin inuu yahay Madaxwaynihii dalka oo ay tahay inuu wax badan u furdaamiyo si ay ka muuqato mas’uuliyad iyo miirqab, turaale iyo dhimrin xal u jeed ah, tiiyoo uu xil dhamaystay heshiis siyaasadeedna aanu ku joogin.

Dhanka Rooble, khaladka ugu wayn ee uu galay ma aha dalbashada ah in ay cadaalad hesho Ikraan Tahliil iyo xitaa xil ka qaadista Fahad Yaasiin oo xukuumaddiisa hoos imanaya maadaama uu Agaasime yahay, balse waa waxyaabo kale oo xigxigey oo uu sameeyey.

Yeelkeede, khaladka 1-aad ee uu galay waa magacaabista iyo xil ka qaadista wasiirrada kale oo qaarkood aanay wax micne ah laba jeeraba samaynayn maadaama aysanba jirin howl ay hayeen oo micne leh iyo ragga uu ku bedeley oo aan sumcad ahaan caawin kiiskiisa, waxay kaloo taasi dadka siisay tafsiir ah inuu khilaafka faraha kasii bixinayo.

Khaladka 2-aad ee uu Rooble sameeyey waa xeerin la’aanta muhiimaddiisa maadaama uu ahaa ninkii dalkaba kala hagayey oo gacanta ku hayey agaasinka doorashada waxay ahayd inuusan luminin doorkaas, waxaa kale oo sii dishey kala qaadashada rag mucaaradka ka tirsan oo lumiyey kuna dhiirriyey inuu khilaafka sii xoojiyo.

Wuxuu weliba ka il duufay xaqiiqada ah in kooxda Farmaajo ay iyaga caawinayso in haatan la abuuro khilaaf noocan oo kale ah, si ay doorashadu dib ugu dhacdo oo uu maalmo kale usii joogo MW Farmaajo oo xil dhamaystay 8-dii Febraayo ee sanadkan, isaga oo aan wax doorasho ah qaban qaabin, ujeedkiisuna ahayn.

Ugu dambayn, waxaa muuqata in xalka ugu wanaagsan waqti xaadirkan uu yahay in ay umadda u turaan oo iska tagaan Farmaajo & Rooble labaduba, maadaama sida ka muuqatey qoraalkii Maamul-goboleedyada ay faraha ugu shubeen awooddii DF Somalia aysan labadaba haatan u baahnayn. Maamullada ayaa dabcan khilaafka halkii ay ka xallin lahaayeen ka dhex kalluumaystay, taasoo qayb ka ah siyaasadda caloosh u shaqaysiga ah ee Somalia ka jirta.

Waxaa sidaa darteed xilka loosii dhiibayaa Guddoonka Baarlamanka iyadoo la samaynayo Gole Qaran oo halkeeda kasii wada doorashada, iyadoo dabcan mas’uuliyad culus la iska saarayo badbaadinta dalka ee aan la samaynayn boos qaadasho siyaasadeed oo aan meesheediiba gacan lagu hayn.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media