XOG: Ingiriiska oo Golaha Amaanka ka codsaday in kulan gaar ah laga yeesho Somalia

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2021 – Warar kasoo baxaya ilo wargal ah ayaa sheegaya in Ingiriisku uu Golaha Amaanka ee QM ka codsaday in kulan gaar ah oo ay albaabady u xiran yihiin laga yeesho Somalia.

Amanda Price ayaa Twitter-ka kusoo qortay in Ilo diblomaasiyadeed ay u sheegeen in kulankan lagu eegayo tadawurka sirgaxan ee kasoo baxaya Somalia.

Arrinta ayaa cirka isku shareertay markii uu MW Farmaajo sheegay inuu awoodihii ka dhimay RW Rooble.

RW Rooble ayaa isna warqad dheer oo uu kasoo daba saaray ku sheegay in aanu Madaxwaynuhu awood u lahayn inuu wax awood ah ka dhimo isaga sida ku qoran Dastuurka.

Hadalsame Media