KASHIFAAD: Heshiis ka dhan ah Trump oo ay saraakiisha ugu sarreeysa millateriga Maraykanku galeen intii uu xilka hayey + Ujeedka

0

(Washington, DC) 15 Sebt 2021 – Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Maraykanka, Jen. Mark Milley, ayaa qaaday tillaabooyin qarsoodi oo laga qariyey MW hore ee Donald Trump si aanu u adeegsan hubka halista ah ee nukliyeerka.

Jeneraal Milley, ayaa tillaabadan qaaday 2 maalmood kaddib markii uu Trump muujiyey inuu raalli ka ahaa weerar ay taageerayaashiisu ku qaadeen Xarunta Koongaraysa Maraykanka ee Capitol Hill 6-dii Jannaayo, si uu u dhimo awoodda uu Mr Trump u lahaa inuu amro weerar ciidan.

Weriyihii Watergate ee Bob Woodward iyo Robert Costa, oo labaduba haatan ka howlgala The Washington Post, ayaa buuggooda cusub ee Peril ku sheegay in Jen. Milley uu werwerku ku bilaabmay kaddib weerarkii Xarunta Koongarayska markaasoo uu yaqiinsaday in “Trump uu galay xaalad aan fadhin oo dhanka dhimirka ah, isagoo bilaabay inuu ku qayliyo saraakiisha ciidamada oo uu kala hadlayey in lagu sameeyey khiyaano dhanka doorashada ah oo fara badan”.

Woodward iyo Costa ayaa sidoo kale buugga ku xusay in Jen Milley uu xitaa ka baqay in Mr Trump uu noqon karo “mid qaadi kara tillaabooyin ballan fur ah maadaama aan la saadaalin karin shakhsiyaddiisa,” sida uu CNN baahiyey.

Wuxuu markaa kulan qarsoodi ahaa ku qabtay Xarunta Pentagon 8-dii Jannaayo si uu dib u eegis ugu sameeyo geeddi socodka la maro marka weerar la qaadayo oo ay ku jirto hab-raaca adeegsiga nukliyeerka.

Jen Milley ayaa markaa saraakiisha ka mas’uulka ah waxa loo yaqaan ”Qolka Dagaalka” ee ku dhex yaalla Pentagon – oo sidoo kale ah Xarunta Taliska Ciidan ee Qaranka – in aanay raacin wax amar ah oo ka yimaada Trump iyagoo aan isaga wargelin.

Waxaa ku qoran buuga Peril, in Gen Milley uu ku yiri saraakiisha: “Wax kastoo laguu sheego, ku socda hab-raaca, ogaadana hab-raaca anigaa qayb ka ah.” Wuxuu deeto indha mid mid uga eegay saraakiishii oo uu waydiiyey inay fahmeen hadalkiisa.

“Yes, sir,” ayay iyaguna ku qayliyeen iyagoo is tooxaya.

Hadalsame Media