DHEGEYSO: Scandinavia oo xisbiyo isku siyaasad ihi ka wada taliyaan & waxa ay ka faa’iidaysteen xisbiyada ku guulaystey doorashada Norway

0

(Oslo) 14 Sebt 2021 – Dalka Norway, waxaa taladii la wareegey hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha ee Jonas Gahr Støre, kaddib doorashadii halkaa ka dhacday, isagoo durba hambalyo ka guddoomey RW hore, Erna Solberg oo guuldarrada ku qiratay khudbad ay u jeedisey xisbigeeda muxaafidka ah ee Høyre oo helay 20.4%, halka uu ka guulaystey ee Arbeiderpartiet uu urursaday 26,1%.

RW Sweden, Stefan Löfven ayaa E-mail uu u soo diray TT ayaa ugu hambalyeeyey RW cusub ee Norway ee Jonas Gahr Støre oo uu saaxiibkii ku tilmaamay, isagoo sheegay in guusha Xisbiga shaqaalaha ee Norway ay ka dhigan tahay in culaysyadii ay wajahayeen xisbiyada Social Demokrater ay iminka dhamaatay oo ay iyagu haatan ka taliyaan Skandinavia, sida uu yiri.

Xilli la tiriyey 99.7% codadkii dadwaynaha waxaa 89 kursi ka helay Baarlamanka dalkaasi ee stortinget 3 xisbi, taasoo ka dhigan inay aqlabiyadda haystaan. 169 kursi. Yeelkeede, RW cusub ayaa looga fadhiyaa inay xukuumad wadaag ah lasoo dhiso xisbiyada kale ologga la ah sida Sosialistisk Venstreparti och Senterpartiet.

Xiisadda ugu wayni waxay ka taagan tahay ilaa 4 xisbi oo ka dhacay ama ka lusha qarka marka la eego xadka lagu galo ama looga boxo baarlamanka oo ah 4%.  Tusaale, Venstre ayaa helay 4,0%, Miljøpartiet De Grønne 3,8%, Kristelig Folkeparti 4,0% Rødt, 4,6%.


Hadalsame Media