DEG DEG: Madaxtooyada oo markii ugu horreeysey carrabka ku ballaarisay Kiiska Ikraan Tahliil (Tillaabada)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Warkan kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo kiiskan soo baara.

Ikraan oo la waayey 26kii Juun oo haatan laga joogo ku dhowaad 3 bilood ayaan marna warkeeda laga maqal Madaxtooyada Qaranka oo ahayd hay’addii ay arrintani ku foogganayd maadaama aan sidoo kale war laga helin NISA oo ay ka tirsanayd.

Kiiskan ayaa sidoo kale markii wax laga qaban waayey keenay khilaaf bulsho iyo mid siyaasadeed oo weli taagan, taasoo ah mas’uuliyad u noqonaysa madaxda ay khuseeyso.

Si kastaba, lama oga in kiiskan si dhab ah loo gudo gelayo maadaama aan horay loogu baran in natiijo kasoo baxdo guddiyada noocan oo kale ah.

Hadalsame Media