Dayuuraddii ugu horreeysey ee ganacsi oo ka degtey magaalada Kabul + Sawirro

0

(Kabul) 13 Sebt 2021 – Dayuuradda Pakistan International Airlines (PIA) oo siddey rakaab gacan muggeed ah ayaa caga dhigatay gegada Kabul, iyadoo noqonaysa dayuuraddii ugu horreeysey ee rayid ah ee iyadoo rakaab sidda halkaa ka degta tan iyo markii ay halkaa la wareegeen Daalibaanku.

Dayuuradda ayaa “siddey rakaab aan 10 qofood ka badnayn iyadoo ay shaqaalaha dayuuraddu rakaabka ka badnaaneen” sida ay qortay AFP oo xiganaysa weriye dayuuradda kasoo raacay Islamabad.

Weli ma cadda in duullimaadka PIA uu hordhac u yahay duullimaadyo joogto ah iyo in kale, waloow uu afhayeen u hadlay shirkaddu uu shalay sheegay inay soo celinayaan duullimaadyadii ay halkaa ku tegi jireen, gaar ahaan Islamabad iyo Kabul.

“Tani waa waqti muhim noo ah tan iyo isbedelkii nidaamka Kabul,” ayuu yiri Jawad Zafar, madaxa howlaha ee PIA, oo maanta u warramayey AFP.

Hadalsame Media