Suuqwaynayaasha cuntada UK oo qayb ahaan haawanaya & halis laga digayo + Sawirro

0

(London) 12 Sebt 2021 – Waxaa haawanaya iskafaallooyinka dukaamada waawayn ee Ingiriiska ku yaalla ee cuntada oo aysan dadku haatan ka heli karin cuntooyinka ay u baahan yihiin oo idil.

Sababta ayaa lagu sheegay shaqaalihii howlahan qaban jirey oo yaraaday kaddib markii ay UK ka baxday EU waxaana sidoo kale shaqaale yaraanta laga dareemayaa dhinacyada kale, iyadoo ay khubaradu ka digayaan inay arrintani joogto noqon karto, sida uu sheegay Ian Right oo ah Guddoonka Jamciyadda Cuntada & Cabitaanka FDF.

Mr Wright ayaa intaa raaciyey in aanay taasi ka dhignayn in Ingiriiska ay cuntooyinku ka dhamaan doonaan, balse Dowladda UK ayaa ku doodaysa in aysan u jeedin halis wayn.

“UK waxay leedahay silsilad saanadeed oo adkaysi sare leh taasoo horay ula soo xaashay caqabado aan horay loo aqoonin,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dhanka dowladda.

Waxaa qorshaha Dowladda ka mid ah in la kordhiyo Seasonal Workers Pilot oo ilaa 30,000 oo fiise lagu siinayo shaqaalaha kexeeya gaadiidka waawayn ee cuntooyinka daabula ee HGV muddo 6 bilood ah.

Xiriirka FDF oo metela ilaa 800 oo sharikadood oo cuntada iyo cabitaanka ah, ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in muhiimadda la saaro badeecooyinka aadka loogu baahan yahay ee suuqa ka go’ay.

Hadalsame Media