Shiinaha oo lagu qabtay koobiyaynta hannaanka daafaca jooga hoose ee Maraykanka + Sawirro

0

(Beijing) 11 Sebt 2021 – Ciidamada Shiinaha ee PLA ayaa dhowaantan howlgeliyey hannaan cusub oo ah daafaca joogga hoose ee cirka (SHORAD), kaasoo aad u shabbaha midka Maraykanka ee US SHORAD Stryker.

Sida uu baahiyey CCTV, hannaanka uu Shiinuhu soo bandhigay ee SHORAD, ayaa ka kooban qoriga 35mm ee diyaarad dilaha ah oo ay wehliyaan laba gantaal oo dhul ka cir ah, kuwaasoo labada dhinac ka saaran tooreedka gaarigan gaashaaman oo leh taayarro badan oo 8×8 ah.

Marka ay timaado naqshadda guud, waxba isma dooriyaan labada hannaan, iyadoo ay midka Maraykanka ay samayeen General Dynamics iyo Leonardo DRS kaddib markii ay ka dalbadeen Ciidanka Lugta Maraykanku.

Midka Shiinaha ayuu wargayska ay dowladdu leedahay ee Global Times wuxuu sheegay “inay samaysay shirkad madax bannaan oo Chinese ah”, isagoo sita raadaar casri ah iyo hannaanno dabka xakameeya, isagoo cirka ka difaaci kara ciidamada lugta.

Shiinaha ayaa sidoo kale ku faanay in hannaanka SHORAD uu iskii u istaagi karo oo u dagaallami karo, taasoo ay sheegeen inuu uga fiican yahay hubka aynigiisa ah, balse Shiinuhu xitaa ma sheegin magaca hubkan cusub oo ay Maraykanku sheegeen in kooda uun laga koobiyeeyey.

Hadalsame Media