Maxaa dhacay maalintii 11-ka Sebtembar maxaase ka dhashay?!

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2021 – Maalin Talaado ah 11-kii Sebtember 2001-dii, rag ismiidaamiyey ayaa xoog kula wareegay diyaarado kuwa rakaabka ah oo Maraykanka uu lahaa waxayna diyaaradahaas ku dhufteen laba daarood oo dhaadheer oo New York ku yaallay, halkaas oo kumanaan qof ay ku dhinteen.

Weerarkaas ayaa wali ah kii ugu xumaa ee qarniyadaan dhaca, maahan Maraykanka oo kaliya balse caalamka oo idil.

Maxay ahaayeen baltilmaameedyadu?

Afar diyaaradood oo kuwa rakaabka ah oo marayey Bariga Maraykanka ayaa waxaa afduubtay koox rag ah.

Kadibna waxaa loo adeegsaday sidii gantaalo waaweyn, oo la hago si ay ugu dhacaan dhismayaasha taariikhiga ah ee New York iyo Washington.

Labo ka mid ah diyaaradahaas ayaa lagu dhuftay Daarihii Mataanaha ahaa ee ganacsiga ee ku yaallay bartamaha New York.

Diyaaradda koowaad ayaa ku dhacday daarta dhanka Waqooyi xigtay saacaddu markay ahayd 08:46 waqtiga New York. Tan labaad ayaa lagu burburiyey daarta dhanka Koonfureed xigtay saacaddu markay ahayd 09:03.

Dhismeyaasha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana ku xannibmay dadkii saarnaa dabaqyada sare, qiiq ayaana is qabsaday guud ahaan magaalada. Wax ka yar labo saacadood, ayaa labadii dabaq ee 110 biyaano ka koobnaa ku burbureen kuna bas beeleen, waxay ka tageen boor sida daruurihii cirka isku shareeray.

Diyaaraddii saddexaad ayaa abbaaro 09:37 ku burburtay dhanka galbeed ee wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon kuna taal bannaanka magaalada caasimadda ah ee, Washington DC.

Diyaaradda Afaraad ayaa abbaaro 10:03 ku burburtay dhul bannaan oo ku yaal Pennsylvania ka dib markii rakaabka diyaaraddu ay wax iska caabbin sameeyeen. waxaana la rumaysan yahay in ragga wax afduubtay ay doonayeen in ay weeraraan dhismaha Capitol ee Washington DC.

Dadka New York oo xilliga ka baxsanaya weerarka
Dadka New York oo xilliga ka baxsanaya weerarka

Imisa qof ayaa ku dhintay?

Dhammaan 2,977 oo qof oo aysan ku jirin 19-kii qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa ku naf waayey, dadkaas intooda badanna waxay ku dhinteen New York.

  • Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa afarta diyaaradood oo 246 qof ahaa ayaa ku dhintay.
  • Daarihihii Mataanaha ahaana, waxaa ku dhintay 2,606 oo qof.
  • Xarunta Pentagon, waxaa ku dhintay 125 qof.

Qofkii ugu da’da yaraa ee ku geeriyooday weerarrada waxay ahayd gabar 2 jir ah oo la oran jiray Christine Lee Hanson, taas oo mid ka mid ah diyaaraha kula geeriyootay waalidkeed Peter iyo Sue.

Qofkii ugu da’da weynaa wuxuu ahaa Robert Norton, oo 82 jir ahaa, kaas oo diyaarad kale la saarnaa xaaskiisa Jacqueline, oo ay aroos u wada socdeen.

Markii diyaaraddii koowaad ay qaraxday, dad lagu qiyaasay 17,400 ayaa ku jiray gudaha dhismeyaasha. daartii xigtay dhanka Waqooyi qofna kama badbaadin dadkii ku jiray dabaqyadii ka sarreeyey halkaa ay diyaaraddu kaga dhacday, balse daartii Koonfureed waxaa dabaqyadii sare ka badbaaday 18 qof.

Dadka weerarradaas ku dhintay ayaa ka soo kala jeeday 77 dal. Waxaa sidoo kale ku dhintay 441 qof oo New York ka soo gurmday.

Kumanaan qof ayaa ku dhaawac ayadoo dadka qaarna ay markii dambe xanuunsadeen, waxaana dadkaa ka mid ahaa dadkii dab damiska oo ku sumoobay.

,

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Yay ahaayeen dadkii weerarrada qaaday?

Shabakadda xagjirka ah ee Al-Qaacidda ayaa weerarrada ka soo qorsheeyey dalka Afghanistan.

Al-Qaacidda oo Osama Bin Laden uu hoggaaminayey ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku eedeeyey in ay dagaal ka wadaan Caalamka Islaamka.

Sagaal iyo tobankii qof ee diyaaradaha afduubtay, ayaa ka koobnaa saddex kooxood oo kooxdiiba ay ka kooban tahay shan qof halka hal kooxna ay ka koobnayd afar xubnood ( kooxda afarta ah waa kuwii afduubtay diyaaraddii ku burburtay Pennsylvania).

Koox kastana waxaa ku jiray hal qof oo loo tababaray sida diyaaradaha loo wado. Waxayna wax ku barteen iskuulllada Maraykanka.

Shan iyo toban ka mid ah dadka diyaaradaha afduubtay ayaa ka soo jeeday Sucuudiga. Labo waxay ka soo jeedeen Imaaraadka Carabta, midna wuxuu u dhashay Masar halka mid kale uu u dhashay dalka Lubnaan.

Sidee Maraykanku uga jawaabay?

Muddo bil ka yar weerarradii ka dib, ayaa madaxweyne George W Bush wuxuu duullaan ku qaaday dalka Afghanistan – asagoo gacan ka helayey isbahaysi caalami ah – si loo dabar jaro Al-Qaacidda loona soo qabto Bin Laden.

Si kastaba ha ahaatee, laguma guulaysan in la soo qabto Osama Bin Laden wixii ka horreeyey 2011-kii, markaas oo uu Maraykanku ku dilay dalka Pakistan.

Ninkii la sheegay in uu qorsheeyey weerarradii 9/11, Khalid Sheikh Mohammad, ayaa 2003-dii lagu xiray Pakistan. Waxaana markii dambe lagu xiray xabsiga Guantanamo Bay halkaas oo uu wali ku xiran yahay.

Al-Qaacidda wali way jirtaa. Meelaha ay ku xooggan tahayna waxaa ka mid ah dalalka Saxaraha ka hooseeya, waloow xubno ka tirsan ururkaas ay wali ku sugan yihiin Afghanistan.

Ciidamada Maraykanka ayaa sannadkaan aynu ku jirno isaga baxay Afghanistan halkaas oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 20 sano, arrintaas oo keentay cabsi ah in mar kale ay shabakaddaas Xagjir ahi soo laba kaclayso.

Sawirrada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay 9/11
Sawirrada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay 9/11

Maxaa ka dhashay 9/11?

Ammaanka duulimaadyada caalamiga ah ayaa la adkeeyey sanadihii ka dambeeyey 9/11.

Maraykanka-na waxaa si gaar ah loo adkeeyey ammaanka garoomada iyo diyaaradaha.

In ka badan siddeed bilood ayay qaadatay in la nadiifiyo goobtii ay ku dumeen Daarihii Mataanaha ahaa.

Matxaf lagu xasuusto dadkii halkaa ku nafwaayey ayaa goobtaas laga dhisay, waxaana mar kale la dhisay dhismeyaashii oo naqshad tii hore ka duwan loo dhisay.

Dib u dhiska xarunta Pentagon-ka ayaa qaatay ku dhawaad sannad, waxayna shaqaaluhu xafiisyadooda ku soo noqdeen bishii August ee 2002-dii.

Isha: BBC

Hadalsame Media