Kulankii gaarka ahaa oo haatan soo dhamaaday & tillaabada xigta

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2021 – Wararka ka imanaya Madaxtooyada Villa Somalia ayaa tibaaxaya in goor dhowayd uu soo dhamaaday kulan gaar ahaa oo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa kulankaa codsaday Farmaajo kaddib markii uu ka qayb galay kulan dhexdhexaadin ahaa oo ay gacan wayn ku lahaayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Wararku waxay intaa raacinayaan in haatan ay shirka dib ugu soo noqon doonaan madaxda Maamullada Galmudug iyo KG Somalia iyo wasiirrada kala ah; Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta.

Xogtu waxay sheegaysaa in ay jirto yididiilo iyo rajo cusub oo kasoo baxaysa dhanka Madaxtooyada oo ku saabsan in la isku fahmey qodobbadii laga wada hadlay, isla markaana la diyaarinayo war murtiyeed rasmi ah oo qabyo qoraalkiisu uu durba soconayo.

Qodobaddii la isku hayey ayaa qaar sidii loo magacaabay loo dhaafi karaa halka qaar wax laga bedelayo.

Hadalsame Media