Fahad Yaasiin oo hal arrin ka walaacsan & saamaynta tillaabo uu qaadayo MW Farmaajo

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2021 – War saxaafadeed ayaa la filayaa inuu soo baxo laba saacadood kaddib kaasoo lagu xusi doono qodobada la isku afgartay.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow xafiiska RW Rooble ayaa sheegay in aanu isagu ka tanaasulin arrinta cadaalad raadinta Ikraan, magacaabistiisa Wasiirka Amniga iyo Agaasinnka cusub ee Hay’ada NISA.

MW Farmaajo ayaa isaga la sheegayaa inuu aqbalay qodobbada laga fujin waayay RW Rooble, iyadoo ay shirka soo galeen madaxda Galmudug & KG Somalia.

Dhanka kale, Fahad yaasiin oo dalka wali ka maqan ayaa la sheegayaa inaanu ku faraxsanayn sida ay wax socdaan, balse wuxuu markale isku dayi doonaa in ergo gaar ah u dirsado Rooble si dib loogu dhigo arrinta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

Sababtu waxay tahay inay u muuqato in aayihiisa siyaasadeed ay khatar ku keeni karto arrintani, oo ay adkaanayso inuu xitaa fursad ka helo doorashada socota oo uu doonayey Xildhibaan Aqalka Hoose ah.

Si kastaba Farmaajo laftiisa ayaa dareensan in mar kasta oo uu kiiskan isku dhejiyo ay laftiisa dilayso dhaxalkiisa siyaasiga ah oo awalba ay dhaawacyo badan gaareen.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments