Wararkii ugu dambeeyey ee waan waanta ka soconaysa Madaxtooyada

0

(Muqdisho) 11 Sept 2021 – Wararka kasoo kordhaya kulamadii u kala dab qaad ahaa oo ilaa xalay socdey iyo waan waan, ayaa sheegaya in woxoogaa horumar ah la sameeyey.

Ragga howshaa ka shaqaynaya oo kala ah Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen, sida u kala horreeyaan, ayaa ku guulaystey in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha laga raarido inay is hor fariistaan.

Natiijadan ayaa salka ku haysa isu jiid jiidkii iyo wada hadalladii ay xalay dhinacyadu gooni goonida u yeesheen si khilaafka jira xal looga gaaro.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in waloow ay jiraan qodobbo la isku mari la’yahay ay misna dabacsanaani muuqato oo uu Farmaajo garowsan yahay in qaabka uu arrinta u wajahey aysan u ekayn qof dal Madaxwayne ka ah marka la eego asalka khilaafku ka askumay.

Ra’iisul Wasaaraha laftiisa oo loo jeediyey inuu xaaladda dejiyo, ayaa isagu ku dheggam mowqifkiisa ah in gal dacwadeed la furo taasoo ay ahayd in aysanba dood gelin, waase la arki doonaa wixii kasoo kordha.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay labada nin haatan is hor fadhiyaan oo uu shirku furmay.

Hadalsame Media