3 qodob oo NISA ku saabsan oo asaas u ah heshiis laga gaaro wada hadalka soconaya

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2021 – Waxaa soconaya kulan la isku hor fariisiyey madaxda is khilaafsan ee MW Farmaajo iyo RW Rooble kaddib waan waan ilaa xalay laga dhex wadey.

Yeelkeede, waxaa jira 3 shuruudood oo la sheegayo inay tahay inay asaasi u noqdaan shirka soconaya, kuwaasoo uu wato RW Rooble.

1 – In xilka laga xayuubiyey Fahad Yaasiin loo dhiibo ninkii uu u magacaabay ee Bashiir Goobbe, maadaama uu xilku yahay mid agaasin oo xukuumadda hoos imanaya.

2 – In kiiska Iktaan Tahliil oo si madax bannaan oo weliba daad-furan loo baaro. Qofkii uu kiiskaasi lugaha la galana aan qarin & qalqaalo loo sameeynin.

3 – In horay loosii wado geeddi socodka doorashada oo awalba gaabis ahaa, isla markaana aysan lug ku yeelan ragga NISA ka tirsanaa ee haatan lagu dheggan yahay.

Hadalsame Media