WAR CUSUB: Kulan xasaasi ah oo haatan ka soconaya Villa Somalia

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2021 – MAXAA CUSUB CAAWA: Waxaa xiligan ka socda Villa Somalia kulamo xasaasi ah oo loogu kala dab qaadayo dhinacyada Rooble iyo Farmaajo.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa wada waan waanta, waxaa sidoo kale caawa kulamada qayb ka ah wax garad iyo siyaasiyiin is xilqaamay.

Warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Mursal looga digay inaanu isku dayin kulan baarlamaan inuu qabto, iyadoo Ciidamada ilaalada RW Rooble oolagu kordhiyay saacadihii ugu danbeeyay Ciidan dheeraad ah,waxay wacad ku mareen inaysan ogolaan doonin in wax kulan ah u kadhaco xarunta Villa Hargaysa oo ku taal xayndaabka guud ee Madxtooyada oo ay wada deggan yihiin Farmaajo iyo Rooble.

Ciidamada Rooble ayaa si wayn isha ugu haya xarunta Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Villa Hargaysa.

Dhinaca kale wasiirka Cusub ee Amniga iyo Jen. Bashiir Goobbe ayaa berito ku sii jeeda Xarunta NISA, iyadoo halkaa ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maraykanku uu tababaray ee WARAN, kuwaasoo ka amar qaata RW Rooble.

Waxaa ay sidoo kale warar kale sheegayaan in Maraykanku ay heegan geliyeen ciidamada kale ee ay tababareen ee loo yaqaan Alpha Group, kuwaasoo taliskoodu yahay Xalane.

Ha yeeshee, waxay rajadu tahay in kulamada caawa Socda looga hortago inay dhacaan iska hor-imaad dhexmara ciidamada dawlada.

Dadaalada Nabadeed ee socda Caawa ayaa loo arkaa fursad looga baaqsanayo dagaal ka qarxa Xeendaabka Villa Somalia, waxaana larajaynayaa in heshiis lagaari doono saacadaha soo socda inshaa allah.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Nadaara

Hadalsame Media

Facebook Comments