Caqabadda ugu wayn ee hor taagan in xal laga gaaro ismaandhaafka u dhexeeya madaxda dowladda?

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2021 – Waxaa cirka isku sii shareeraya muranka ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maaxamed Xuseen Rooble, kaas oo salka ku haya buuqii ka dhashay dilkii la sheegay in loo geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hey’adda Sirdoonka ee NISA.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa qoraallo is-burinaya kasoo kala baxayeen xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul Wasaaraha.

”Marka sidan oo kale la isu khilaafo waxay ahayd in uu kusoo boxo garsoorka dalku oo ay arrinta fasirto Maxkamad Dastuuri ah.” ayuu yiri Amiin Haaruun oo ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo u warramay idaacadda VOA Somali.

Halkan hoose ka dhegeyso.

Hadalsame Media