RASMI: Qoyska Ikraan oo gudbiyey dacwad ka dhan ah 3 qofood oo uu Fahad ku jiro

0

(Muqdisho) 08 Sebt 2021 – Qoyska Ikraan Tahliil ayaa gal dacwadeed rasmi ah ka gudbiyey 3 eedaysane oo uu ku jiro Fahad Yaasiin.

Dacwaddan oo uu qarreen Daahir Max’ed Cali oo ka mas’uul ah Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan uu u gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta, ayaa waxaa sidoo kale ku eedaysan Kulane Jiis, Cabdiqani Diiriye Wadne Qabad iyo Yaasiin Fareey.

Yaasiinka dambe waa ninka uu Farmaajo u cayimay inuu NISA la wareego oo dhaxlo booskii Fahad iyadoo ay labaduba Farmaajo la olog yihiin.

Hadalsame Media