Ciidamo la olog ahaa Fahad oo diidey amarkii la siiyey & wararkii ugu dambeeyey ee Xarunta NISA

0

(Muqdisho) 08 Sebt 2021 – Maxamed Xasan & Macalin Yuusuf oo horey u ahaa Saraakiisha ay Fahad & Farmaajo ku dhaartaan ayaa hadda la wareegay xarunta NISA iyagoo sheegay inay ku Shaqaynayaan awaamiirta RW Rooble .

Saraakiishan ayaa labo maalin ka hor xarunta galay iyagoo ah garbaha uu ku duulo Fahad laakiin hadda xaalku sidaas waa ka duwan yahay .

Ku dhowaad 180 dhalinyaro ah oo markii hore loo diyaariyay inay xaruntan difaacaan haddii Rooble damco inuu keeno ciidan kale ayaa si cad u sheegay inaanay diyaar u ahayn dagaal waxayna iyaga & hubkoodi iskaga baxeen xarunta .

Sida qorshaha yahay waxaa lagu wadaa in goordhow uu Bashiir Goobe tago Habar Khadiijo mana muuqato hadda wax cabsi ah oo la xiriirta in dagaal uu dhici karo.

War Cusub:

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Xafiiska Rw Rooble ayaa sheegaya inaanay jirin wax amar diido ah oo kajira xarunta Nabadsugida, sidaa daraadeed maalinta berito waxaa Xarunta tegi doono Ag. Kumeel gaarka ee Nisa Gen Bashiir Goobe si uu xilka ula wareego.

Dhinaca kale Saraakiisha gacanta kuhaysa Amaanka Xarunta Nisa ayaa sicad usheegay inay ku shaqeynayaan awaamiirta Rw Rooble, islamarkaana ay berito sidiiran xarunta ugu soo dhawaynayaan Bashiir Goobe.

Diyaariye: Cabdulqaadir Nadaara

Hadalsame Media