6 qodob oo dadka sawir ka siinaya halka uu MW Farmaajo ka istaagey Dastuurka, ”dilka Ikraan” & daafaca Fahad

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2021 – Waxaa taagan xasarad laga badbadiyey oo ka dhalatay xil ka qaadista Fahad Yaasiin, Agaasinkii hore ee NISA, kaasoo si aan sharciga waafaqsanayn isla markaana halis ku ah xasilloonida siyaasadeed iyo amniga dalka loo wajahayo.

MW Farmaajo oo markii hore diidey xil ka qaadistiisa ayaa xalay sheegay inuu aqbalay xil ka qaadistaasi, balse wuxuu u magacaabay xil kale isaga iyo rag kale oo eedaha dhinac uga jira, isagoo iska indha tiray ninkii uu xilka u magacaabay RW Rooble.

Waxaa kale oo xusid mudan in Fahad uu yahay agaasime ee aanu ahayn taliye ciidan, sidaa darteed, ay xukuumaddu xil ka qaadis, ka fariisin iyo magacaabisba u samayn karto.

Haddaba, maxaa laga dheehan karaa tillaabooyinka uu qaadayo MW Farmaajo oo diraya farriin ka xooggan midda ah nin saaxiibkii difaacaya.

1 – Waxaa meesha yaalla dal maraya xilli xasaasi ah, dastuur, jawi doorasho, nidaam waqtigiisii dhaafay, muwaaddin dhibane ah iwm, oo aan ilaa haatan wax xeerin ah la siinin? Waxaa kale oo aan muuqan door ku saabsan dareen hoggaamineed iyo inuu Farmaajo fahamsan yahay inuu yahay ninka madaxda u wada ah dadka is haya ee aan looga baahnayn inuu guruub la dudo iyo inuu umadda u qaybiyo ”annaga iyo idinka.”

2 – Waxaa dadka qaar u dhadhamaysa inuu Farmaajo isu sawirayo sidii qof wax ka og dilkii Ikraan Tahliil, maadaama uu qaadayo tillaabooyin qardajeex ah oo aanu u baahnayn, waxaa taas sii xoojinaysa xilalka uu u dhiibayo Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay dilka gabadha.

3 – Waxaa kale oo muuqata in Madaxwaynuhu iskaba waynaysiinayo inuu si cad uga hadlo kiiska, isagoo marna aan afkiisa soo marin gabadha oo ah sarkaalad ka tirsan qaybta dembiyada internet-ka ee NISA, taasoo muujinaysa inta uu la egyahay qiimaha uu u hayo nolosha qofka muwaaddinka ah, haddiiba ay saraakiishu agtiisa sidaa ula fudud yihiin.

4 – Waxaa meesha ku jirta caddaaladdii oo la diiddan yahay (Obstruction of Justice) taasoo ah dembi dastuuri ah, maadaama sida tillaabooyinku muujinayaan uu diiddan yahay in kiiska si daah-furan loo baaro, oo xaqiiqdiisa dhabta ah la keeno. Waxaana imanaysa su’aasha ah, haddii aanu MW Farmaajo arrintan isagu ku lug lahayn muxuu u diidayaa inay caddaaladdu jid marto?

5 – Waxaa kale oo xitaa la diiddan yahay inay dadka ka dhiidhinaya arrinta Ikraan ay dibedbaxaan, halka la ogolaaday dad qol isku soo xirey oo Fahad iyo Farmaajo taageersan, taasoo ah foolxumo kale oo dastuuri ah.

6 – Waxaa kale oo dad badani ka dhawaajiyeen istaraatijiyad kale oo aan garasho badani ka dambayn oo ah in kiiskan loo rogo qaaquullo siyaasadeed si ay doorashadu dib ugu dhacdo. ”Farmaajo hal maalin oo kale oo uu kursiga kusii fadhiyo wax kasta wuuu u samaynayaa.” ayuu ku dooday qof ka mid ah dadwaynaha oo aragtidiisa ka dhiibanayey waxa socda.

Si kastaba, waa nasiib darro in dalku uu heerkan gaaro iyadoo aanay jirin wax dalkii si fiican ugu shaqaynaya min nidaamkii dowladeed iyo hufnaantii looga baahnaa nidaam dimoqraaddi ah ilaa midnimadii umadda iyo kalsoonidii ay isku qabeen oo kubbad lagu ciyaaray.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media