Qaabka cusub oo loo fariisanayo fasallada waxbarashada Afghanistan + Sawirro

0
Students attend class under new classroom conditions at Avicenna University in Kabul, Afghanistan September 6, 2021, in this picture obtained by REUTERS from social media. Social media handout/via REUTERS

(Kabul) 07 Sebt 2021 – Ardayda Afghanistan ayaa dib u bilaabay jaamacadihii iyo dugsiyadii dalkaasi oo dib loo furay tan iyo markii ay dalkaa gacanta ku dhigeen kooxda Daalibaan, iyadoo haatan ragga iyo haweenka daah loo dhexeeysiinayo fasallada dhexdooda.

Dalal reer Galbeed ah oo sheegaya inay xuquuqda haweenka u doodaan ayaa tilmaamay inay si dhow ula soconayaan arrintan, waloow ay tan lafteedu muujinayso in Daalibaanku aysan diidanayn inay dumarku wax bartaan sidii horay looga sheegayey.

Sawirro laga soo qaaday jaamacadda Avicenna University ee Kabul, ayaa aad loo wareejinayaa baraha bulshada, waxaana ka muuqata in ragga iyo dumarka lagu kala qaybiyey daah caddays ah, balse wejiyadooda ayaa caadi loogu jeedaa.

Daalibaanka ayaa markii 1-aad ee ay dalkan xukumayeen 1996-2001, waxay gabdhaha iyo dumarka ka mamnuuceen jaamacadaha iyo shaqooyinka, taasoo aan ahayn wax ay qabto diinta Islaamka oo faraysa in wax la wada barto lana shaqaysto.

Students attend class under new classroom conditions at Avicenna University in Kabul, Afghanistan September 6, 2021, in this picture obtained by REUTERS from social media. Social media handout/via REUTERS
Students attend class under new classroom conditions at Avicenna University in Kabul, Afghanistan September 6, 2021, in this picture obtained by REUTERS from social media. Social media handout/via REUTERS

 

Hadalsame Media

Facebook Comments