Iimaan la’aantii keentay inuu IHAANO ku dambeeyo Alpha Conde (Muxuu sameeyey?)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2021 – Magiciisu waa Alpha Conde. Waa 83 jir noloshiisa badankeed ahaa geyfane u ole’oleeya in Guinea ka baxdo gacanta Kelitaliye Lansana Conte. Waxa kale uu muddo dheer ahaa hoggaamiye mucaarad oo si adag u dhaleeceeya kelitalisnimada xabsina u galay.

Sannadkii 1993 Kelitaliye Lansana Conte ayaa qabtay doorasho waraabe-u-taag ah. Doorashadaas oo ah mid lagu shubtay Alpha Conde waxa uu helay 18% codadkii la tiriyay, waxa uu na galay booska 3-aad.

1998 Lansana Conte waxa uu kar kale qabtay doorasho gacan-ku-rimis ah oo dhiig badan ku daatay. Alpha Conde waxa uu helay codad gaaraya 17.6%, laakiin Lansana Conte waxa oo markaas cabsi gashay ayaa xabsiga dhigay ayada oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.
Alpha Conde waxaa xabsiga laga sii daayay sannadkii 2001.
Sannadkii 2008 waxaa geeriyooday Lansana Conte oo talada Guinea afgambi ciidan ku qabsaday 1984, ka dib waxa afgambi taladii ku wareegay Kaptan Musa Dadis Kamara balse asagu na ma calfan oo ciidan kale oo weeraray oo si xun u dhaawacay. Isjiijiid dheer ka dib sannadkii 2010 ayaa la qabtay doorasho uu ku guulaystay Alpha Conde.

Mar labaad ayaa Mr. Conde la doortay sannadkii 2015. Sida dastuurka Guinea ku qornayd waxa ay ahayd in Alpha Conde uusan tartan madaxtooyo geli karin mar 3aad maadaama labo teem (2 terms) oo min 5 sanandood ah ka badan oo qofna dastuurku u oggolayn.

Yeelkeede, tabtii madaxda Afrikaanka caadada u ahayd ayuu Mr. Conde beddalay dastuurkii dalka, oo qabtay doorasho uu asagu dubtay asaguna daangaystay.

Laakiin cawaaqib xumadii ka dhalatay imaan la’aantiisa shalay ayay ciidankii afgambiyeen asagiina afduubteen oo ilaa iyo hadda la ma oga meel ay geeyeen.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media