DEG DEG: MW Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadistii Fahad oo uu xil kale u dhiibey & nin uu NISA u magacaabay

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2021 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;

“Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

“Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.

MW Farmaajo ayaa Fahad u magacaabay xil kale oo dhanka Madaxtooyada ah.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RW Rooble ayaa horay u dalbaday inuu Fahad warbixin ka keeno kiiska Ikraan Tahliil oo loo badinayo inay ku baxday gacanta NISA, Farmaajo ayaana haatan muddeeyey kulan yara fog isagoo aan marna xusin Ikraan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18-ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu soo afjaray.

Sida muuqata waloow xil ka qaadistii la aqbalay lama barakaynin magacaabistii Bashiir Goobbe lamana hubo waxa xigi doona iyo inay arrintan isku ogyihiin Rooble.

Hadalsame Media