Shan arrimood oo ay mas’uuliyad darro ka muujisay Madaxtooyadii Qaranku min Madaxwayne ilaa Raysal Wasaare

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2021 – Waxaa saacadihii ugu dambeeyey soo kordhay War Saxaafadeedyo aanay mas’uuliyadi ka muuqanin oo ay isku taag taagayaan madaxda sare ee DF Somalia, kaddib markii uu RW Rooble sheegay inuu xilkii ka qaaday Fahad Yaasin, halka uu MW Farmaajo kusoo jawaabey inuusan ka qaadi karin.

Arrintan ayaa muujinaysa mas’uuliyad darro aad u baahsan iyadoo qoraallada lagu xusay Dastuur aan lagu dhaqmaynin, balse aan la xeerin waxyaabo badan oo ay ahayd in laga fikiro oo xisaabta lagu daro.

Dal laguma xukuma in sidan oo kale ay iskugu jawaabaan madaxdii sare ee dalku iyagoo sida muuqata aan wax arrinsi ah ka yeelan waxa taagan, sidoo kalena aan tixgelin dareenka umadda iyo mas’uuliyadda ka saaran.

1 – Xaaladda dalka

Waxaa wanaagsan in la xeeriyo xaaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo oo iyada oo wax la saxayo aan wax la kharribin. RW Rooble gaar ahaan waa inuu wax badan xeeriyaa maadaama isaga lagu tuhmayo woxoogaa damiir ah oo aanu ku shaqaynin wixii ay u jeediyaan dadka baraha bulshada wax kusoo qoraya.

MW Farmaajo isna waxaa looga fadhiyaa inuusan mar kasta iyo wax kasta u arkin xafiiltan iyo dhagax tuure uu barto sida loo dabciyo xaaladdan oo kale. Dastuurka oo xilligan lagu marmarsoodaa waxba goyn mayso, waayo marka laga yimaado inaan dastuurba lagu dhaqmin, misna arrintani waxay leedahay dhinac bulsho, dhinac siyaasadeed, reero ayay dadka qaar isku soofaynayaan, waxaa xitaa jirta dhinac aadminnimo, marka waxaa oo dhami miisaan ayay u baahan yihiin mana aha inuu iska indha tiro.

2 – Xil ka qaadista Fahad

Waa meesha ay ciinka ka daaqday. Waxay ahayd in annaga oo aan diiradda saarin cidda xaq u leh inay xilka ka qaaddo ama u magacowdo Fahad dhan kale la eego. Waayo waxaa muhim ah in la eego waxa meesha yaalla, gabadha maqan, waxa la isku hayo, sida loo xallin karo iyo in aan qof xil laga qaado ama lagu celiyo laga hormarin danihii guud ee qaranka, taasoo ah midda hadda diiradda la saaray. Waxaa kale oo daruuri ah in aad isha loogu hayo kiiska gabadha maqan ee xuquuqdeedii lagu tuntay haddii ay nooshahay iyo haddii la dilayba, waloow aanan geeri ku qoraynin qof aan maydkeedii weli la keenin. Dalka ayaa ka wayn Fahad iska daaye xitaa Madaxwaynaha & Raysal Wasaaraha.

3 – Maxkamad Dastuuri ah

Waxaa qoraalka kasoo baxay Farmaajo laga dhadhansan karaa inuu ku doodayo Dastuur, waxaa sidoo kale Dastuurka xigtey RW Rooble, sidaa darteed, waxaa meesha ka maqan waa Maxkamaddii Dastuuriga ahayd oo uu nidaamka Farmaajo yahay kii ugu dambeeyey ee ku fashilma dhismeheeda, waayo caadiyan Maxkamadda Dastuuriga ah unbaa fasiri karta Dastuurka, marka ay xasarad dastuur dhacdana iyada ayay ahayd in garta loo dhiibo, iyadoo aan hebel baa khaldan dhihin unbay Dastuurka dalka fasiri lahayd.

4 – Inuu mandate-kii dhamaaday

Waxaa iyana muhim ah in madaxda sare ee Villa Somalia ay fahmaan inaysan wax sharciyad ah haysan oo ay kaliya yihiin nidaam KMG ah oo kale, sidaa darteed, ay dalka dhaafiyaan xaaladdan cakiran oo diiradda uun la saaro doorashada, haddii kale waxaa kaliya loo fahmi karaa in la doonayo in la carqaladeeyo geeddi socodka doorashada, si meesha la iskaga sii fadhiyo.

5 – In aan kiiska la siyaasadayn ama la bulshayn

Waxaa siyaasiyiinta iyo dadwaynaha la gudboon inaysan arrintan siyaasadeeyn oo aan loo ekaysiinin laba dhinac oo ay qaarna ku faraxsan yihiin dhibka dhacay qaarna ay ka dhiidhinayaan oo arrinta loo arkay dhib dhacay oo u baahan in loo xalliyo si waaqiciyad iyo xeerin ku dhisan. Ma aha in waxba laga soo qaado reer hebel iyo reer hebel is haya e waa in la fahmaa xuquuqda Ikraan looga tuntay in berrina Ifraax iyo Aadan looga tuman doono marka waa in dhibka la xalliyaa belo madax la qabto ayay leedahay e mijo la qabto ma lahane, mana aha in si kibraaniyadda doqonnimada ku dhisan ee qof hebel loo joogteeyo qarankii qar laga xooro.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media