DHEGEYSO: “Waxa dhacay oo dhan waa laga baaqsan karay, mana aha nidaam dowladeed in warbaahin laysaga jawaabo” – Cabdiweli Gaas

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2021 – Kaddib markii ay xil ka qaadid iyo xil u dayn ku fooggan Fahad Yaasiin ay xalay isku mireen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa arrintaa ka fal-celiyey dad fara badan oo ku tilmaamay fadqalallo siyaasadeed oo ka socota Villa-dii dalka laga maamulayey.

Haddaba, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalena ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Abdiwali Ali Gaas ayaa arrintaa fikirkiisa ka dhiibtey.

“Waxa dhacay oo dhan waa laga baaqsan karay, mana aha nidaam dowladeed in warbaahin laysaga jawaabo.” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Halkan hoose ka dhegeyso waraysigiisa.

Hadalsame Media