WAR CULUS: Turkiga oo Somalia ku haya ”ceejin ganacsi” oo aan caadi ahayn & farqiga wayn ee u dhexeeya isaga & Imaaraadka (Arag tirakoobkan)

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2021 – Turkiga iyo Somalia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan marka si guud loo eego duruufaha maanta jira, balse waxaa muuqata inuu sidoo kale ka faa”iidaysanayo xaaladaha qaar.

Waxaana ugu daran nuqsaan ganacsi (trade deficit) aad u ballaaran oo labada dal ka dhex jira. Tusaale ahaan, 2019-kii waxay Turkigu Somalia u dhoofiyeen badeecado kala geddisan oo ay Pasta ugu badan tahay oo ku kacaya $256M oo doollar.

Taasoo aad iyo aad uga badan tan ay sanadkaas Somalia Turkiga u dhoofisey oo ay u badan tahay sisinta iwm oo ay Somalia ka heshay wax aan ka badnayn $6.7M oo doollar.

Isla sanadkaas 2019-kii waxay Somalia u dhoofisey dalka Imaaraadka Carabta badeecooyin ku fadhiya $195M oo doollar, kuwaasoo u badan dahabka, xoolaha nool, aargoosatada iyo waxyaabaha saliidda laga sameeyo, taasoo Imaaraadka ka dhigaysa dal lacag ka badan tan Turkiga ay Somalia kasoo gasho marka la eego dhanka dhoofka.

Turkiga oo sidoo kale boqolleey ku dhow kala bar oo ah 45% qaata dakhliga Dekedda Muqdisho oo sida la fahamsan yahay ay madaxda musuqa ah ee Somalia ay boqolleey ku leedahay, ayaa la sheegayaa inuu xayndaabyo ganacsi (trade barriers) hor dhigayo waxyaabaha ay Somalia u dhoofiso dalkiisa.

Wuxuu taa biddaalkeeda heshiisyo badan oo isaga u danaynaya ka saxiixday maamulladii kala dambeeyey oo ay qaar madaxda ka tirsani aysan xitaa fikrad fiican ka haysanin mabaadii’da ganacsiga caalamka.

Waxaa dheer karti xumada hay’aadka DF oo aan mug sii qodan lahayn iyo hoggaanka dalka oo ay mar kasta ka maqan tahay ilaalinta danta guud balse diiradda saaraya wixii isaga markaas dan gaar ihi ugu jirto oo sahlaysa arrimahan, iyadoo uu Turkigu yahay dal aan ku khaldanayn inuu dhacsado danihiisa qaran.

Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in iyada oo aan xiriirka la xumayn si ay xirfad iyo daacadnimo ku jirto wax loogu dhiciyo Somalia, taasoo loo baahan yahay dowladdii samayn lahayd.

Waxaa sidoo kale waajib ah in la dhimo boqolleeyda Turkigu ka qaato Dekedda iyo Garoonka, waayo shirkadaha gaarka ah ee maamula wax ay ku dareen farsamo ahaan ma jiraan, waayo Garoonka waxaa lagu dhisay deeq uu Turkigu Somalia siiyey, halka Dekedda Muqdisho ay weli ku shaqayso wiishaskii qadiimiga ahaa oo aanu jirin deked gobolka ku taalla oo wayn oo adeegsata haatan.

 

Hadalsame Media