Maxay tahay sababta soo dedejisey inay Imaaraadku orod ku tagaan Ankara & Dooxa? (Maxay ka cabsadeen?)

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2021 – Booqashada uu gobolka ku kala bixinayo ninka wax laga waydiiyo amaanka Imaaraadka Carabta, Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, oo ah walaalka xaakim beenaadka Imaaraadka, Mohammad bin Zayed, ayaa noqotay mid soo jiidatey indhaha dadka gorfeeya arrimaha Khaliijka iyo ka shishe.

Taxnuun ayaa dhowaan kaddib markii uu Turkiga booqasho ku tegey wuxuu mid kale oo iyaduna ka yaabiso ahayd ku tegey dalka yar ee saamaynta badan ee Qadar, isagoo la kulmay Amiirka dalkaasi.

Haa, waa ka yaabiso, waayo tan iyo curashadii Gugii Carbeed ee la fashilay waxaa qoorta iskugu jirey labadan dal ee deriska ah oo isku haya aydholojiyado kala duwan iyadoo Qadar ay taageerto kooxaha Ikhwaanka mararka qaarna lagu xanto inay gacan saar la leedahay kooxaha xag-jirka ah.

Yeelkeede, booqashadan iyo wanaajinta xiriirka Imaaraadka iyo Turkiga oo isna xumaa ayaa la sheegayaa inay soo dedejisey sida deg degta ah ee ay wax iskaga bedeleen amaankii gobolka kaddib bixitaankii halhaleelka ahayd ee Maraykanka.

Dalka Afghanistan oo uu Maraykanku ka dhisay dowlad ayuu meel cidla ah uga dhaqaaqay waxayna taasi dhalisay inay xukunkii iyo hub aad u fara badan la wareegaan kooxda Daaliibaan, taas ayaana Abuu Dabeey ka daadejisey inaan la isku hallayn karin Washington marka uu nidaamka gobolku si sahlan isu bedelo.

Imaaraadka ayaa deeto Taxnuun u diray safarro deg deg ah oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka gobolka, si ay u sameeyaan shabakado iyo xiriirro maangal ah oo ay la samaysanayaan dalalka kale ee gobolka, xitaa haddii loo baahdo, kuwa aydolojiyad ahaanta ay aad u kala fog yihiin sida Dooxa iyo Ankara.

Hadalsame Media