Kaddib jawaabtii Agaasinka NISA laba arrimood ayaa la gudboon RW Rooble

0

(Muqdisho) 05 Sebt 2021 – Agaasinka Guud ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa kasoo jawaabey warkii kasoo baxay RW Rooble oo looga dalbaday inuu 48 saacadood uga hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo isaga lagu tuhmayo.

Yeelkeede, wuxuu kusoo jawaabey warqad uu xaalkii kusii murjinayo isagoo sheegayo inuu kiiska uga baxayo oo qura Guddiga Amaanka Qaranka.

Haddaba maxaa la gudboon RW Rooble? Cabdicasiis Golf Yare ayaa laba qodob soo jeediyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble labo arrinba waa sameyn karaa awoodeedana waa leeyahay si uu xilka ugu qaado Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin

1 – Golaha Wasiirada oo uu shiriyo ayaa xilka ka qaadi kara Agaasimaha NISA, si la mid ah sidii uu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed markii uu xilka ka qaadayay C/llaahi Sanbaloolshe sanadkii 2014

2 – Shaqo ka fariisin oo aan u baahneyn Shir Golaha Wasiirada wuxuuna u magacaabi karaa Sii-haye xilka Agaasinka Guud ee NISA.

Hadalsame Media