“Waan dareemi karaa xanuunka qoyska Ikraan Tahliil” – Weriye caan ah oo ka qiseeyey dhacdo qamuunyo leh oo qoyskooda qabsatay

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2021 – Xanuunka maanta haysta qoyska Ikran Tahliil waxaa garan kara ciddii ay horey u soo martay in la waayo qof qoyska ka mid ah oo uu xaalkiisana ku soo dhamaado geeri.

C/raxmaan Ibrahim Aden oo ahaa walaalkey iga weyn waxaa la waayay isagoo dhigta dugsiga sare ee Macallin Jaamac ee Muqdisho dhowr iyo 30 sano mar hadda laga joogo.

Waxaan xusuustaa qoyskeena, ehel, qaraabo, iyo daris oo ka wada qayb galay raadintiisa. Xamar oo aan dagganayn iyo gobollo badan ayaa laga raadiyay.

Habeen kasta waxaa guriga lagu soo noqon jiray iyadoo aad loo daalan yahay oo uu jiro niyad jab wayn iyo murugo. Markaas ayaa la kala warqaadan jiray oo lana go’aamin jiray waxa maalinta xigta lagu dhaqaaqayo.

Ugu dambeyn, baadi goobkii C/raxmaan wuxuu ku soo af jarmay in meydkiisa uu yaalo qaboojiyaha cisbitaal Digfeer oo la dhigay maalintii raadintiisa la bilaabay.

C/raxmaan wuxuu ku haftay badda, dhanka GELL LAQ oo ah qayb halis ah oo aan badanaa lagu dabaalan.

Ma xusuusto muddada ay raadintiisu socotay laakiin waxaan xusuustaa iyada oo subax kasta salaadda subax ka dib guriga laga kala yaaco, aniga iyo dhowr kala oo yar yarna guriga naloo kaga tago.

Xusuustaas wali igama bi’in!

Qalbiga Allaha u qaboojiyo qoyska Ikraam Tahliil, iyadana naxariis janno Allaha siiyo.

Waxaa Qortay: Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

Hadalsame Media