Somaliland oo laga hirgeliyey mashruuc lagu saxayo arrin ay Soomaalidu aad ugu dhib qabto + Sawirro

0

(Hargaysa) 04 Sebt 2021 – Mashruuca SIRA Project ayaa wax ka qabanaya nidaaminta calafka xoolaha oo aan fadhinin kaasoo ah mid ay waddo hay’adda cuntada iyo beeraha QM ee FAO xafiiskeeda Somalia.

Waxay haatan soconaya tababarro la siinayo beeraleeyda iyo xoola dhaqatada Somaliland oo 60% ku tiirsan marka la eego caafimaadka xoolaha, dakhliga qoyska, nafaqada, nolosha iyo ganacsiyada.

Waxyaabaha la doonayo in la fariisiyo waa waxa loo yaqaan ”silsiladda saanadda quudka” oo ah soo saarista calafka, kaydin hufan oo la sameeyo, galaangal ay dadku u yeelan karaan dhanka suuqa iwm.

Waxay taasi markaa wanaajin kartaa amaanka quudka, wax soo saarka xoolaha nool iyo quudintooda, gaar ahaan xilliyada qallalan ee jiilaalka oo ay qaar badani dhintaan, iskaba daa wax ay soo saaraane.

Somalia ayaa guud ahaan meertooyinka noocan ah aad khasaare ugu qabta, tiiyoo aysan jirin qorshe iyo siyaasad micne leh oo dhankaa ku fooggan, sida cadna ma aha wax mashruuc hay’ad qalaadi waddo lagu wada hagaajin kare e waxaa muhim ah qorshe qaran oo joogto ah.

Hadalsame Media