Shirkad soo saaraysa gawaari ay adag tahay in ay shil galaan & farsamada ay adeegsanayaan + Sawirro

0

(Gothenburg) 04 Sebt 2021 – Volvo oo shirkad Swedish ah oo gawaarida sameeysa, ayaa wadda qorshe ay ku dhisayso gawaari ay adag tahay inay gaari kale ku dhacaa oo ay halkudheg uga dhigeen ”Zero Collision”. Waxaa ku xiran dareen wadayaal ku shaqeeya waxa loo yaqaan ”lidar sensors” oo ah raadaar laysar ah oo masaafo dheer wax ka cabbiraya.

Waxaa gawaaridan loogu tala galay inay iyagu is wadaan marka gaar ahaan la marayo jidadka waawayn, waxaana ku rakiban laba kombiyuutar oo waawayn oo uu midkood xog ururis yahay si mustaqbalka loo dhiso gaadiid kasii amaan badan. Waxay isu cusboonaysiinayaan (updating) si joogto ah.

Volvo oo ay xarunteedu wayni tahay magaalada Gothenburg, ayaa sidoo kale iyada oo kaashanaysa sharikadda kale ee Swedish-ka ah ee Northvolt, waxay doonaysaa inay wixii ka bilowda 2024 ay batarito 15 gigawat saacaddii ah kasoo gadato wershadaha Northvolts ee Skellefteå oo dhacda woqooyiga fog ee Sweden.

Balse waxay doonaysaa inay iyadu dhisato wershad soo saarta batariyo 50 gigawat saacaddii ah, taasoo laga samaynayo woqooyiga Sweden ama Finland oo laga heli karo tamar aan ahayn haraa la gubey sida shidaal iyo dhul bannaan.

Agaasimaha Guud ee Volvo Cars Håkan Samuelsson.

Hadalsame Media

Facebook Comments