RW Rooble oo lagu wado inuu ka hadlo kiiska ay kurbadu ka taagan tahay ee Ikraan Tahliil

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2021 – Ra’iisulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu ka hadlo xaaladda ku gedaaman dilkii marxuumad Ikraan Tahliil oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’adda Nisa ee ay ka tirsaneyd iyo falcelintii ka dhalatay ee sababtay in magaalada Beledweyne lagu afduubto dhallinyaro ku beel ah hoggaanka sirdoonka Fahad Yaasiin, sida ay ii sheegeen xubno wargal ah oo xaaladda la socda.

Rooble oo wajahaya culeyskii ugu badnaa in muddo ah ayaa la sheegay inuu soo saari doono guddi lagu sheegay mid soo baaraya afduubkii iyo dilkii loo geystay Ikraan Tahliil, si uu xiisadda taagan u dejiyo.

Hase yeeshee dadka Soomaaliyeed kuma qanci doonaan magacaabista guddiyo lagu yaqaan inaysan ka shaqeyn arrinta loo magacaabo. Horey ayuu Rooble arrinta Ikraan ugu magacaabay guddi uu ku jiray Xil. Daahir Amiin Jeesow oo ay gabadha la dilay qaraabo yihiin laakiin dharka u dhigtay inuu difaaco hay’adda loo diray inuu daba galo oo war ka keeno.

Dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah ayaa Rooble ugu baaqay inuu isbeddel ku sameeyo hoggaanka Nisa si loo bad baadiyo sumcadda dhimatay ee hay’adda, waxaase muuqata inuusan taas awoodi karin.

Waxaa Diyaariyey: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media