Maraykanka oo shaacinaya SIR CULUS oo uu sanado badan dunida ka qarinayey!

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2021 – Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay in la soo baahiyo qaar ka mid ah dukumiintiyada sirta ah ee laga helay baadhitaankii dowladda ee weeraradii kow iyo tobankii September – isagoo fulinaya ballanqaadkii ololaha doorashada. Waraaqaha sirahaas ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo lixda bilood ee soo socota.

“Markii aan u tartamayey Madaxweyne. Waxaan qaaday ballan, in aan hubin doono daahfurnaan ballaadhan oo khusaysa bahinta dukmentiyadii Septemper 11, 2001 weearkii ka dhacay Mraaykanka. Xilli aynu waajahayno labaatan guuradii ka soo wareegtay maalintaa xanuunka badan. Waana aan weynaynaa ka go’naanshahaas” ayuu yidhi madaxweyne Biden, warqad ka soo baxday xafiiskiida.

Goaankan ayaa amraya Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkas, Mark Garlad, in uu sameeyo baahinta duminyadaas, iyada oo la waafajinayo hababka sharci.

Hore Laanta dambi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa soo saartay xog ku saabsan nin Sacuudiga u dhashay oo la sheegay in uu xidhiidh la lahaa raggii qaaday weerarkii 11-kii September ee sannadkii 2001-dii ka dhacay Maraykanka.

Dadka xogtan soo saaray oo ku sugan New York ayaa sheegay in dacwad oogaha guud William P. Barr uu si gaar ah macluumaadkaas ugu gudbiyey qareenada u doodaya qoysaskii dadkoodu ku dhinteen weeraradaas.

Booqortooyada Sacuudiga ayaase si joogto ah u beeninaysay ku lug lahaanshaha weeraradaas. Sidoo kale wax faallo ah oo warbixintan ku aaddan kama soo bixin safaaradda Sacuudiga ee Washington.

FBI-da ayaa sheegtay in warbixintan oo la diyaariyay sannadkii 2012-kii aan lagu xusin masuulkaan Sacuudiga u dhashay balse “baadhitaanku aanu dhammaan”.

Dad u barooranaya kuwii ku dhintay weerraradii 9/11

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kiiskaan oo dhacay sannadkii 2003, ayaa waxaa sare u qaaday markii Congress-ku ay meel mariyeen xeer fududaynaya in dawladaha ajnabiga ah la maxkamadayn karo haddii ay ku lug yeeshaan argagixisada.

Dacwad oogeyaasha ayaa isku dayaya in ay macluumaad ka soo xigtaan warbixinta FBI-du ay diyaarisay sannadkii 2012-kii kaas oo tilmaamayey in hay’addaasi baadhitaan ku hayso masuuliyiinta Sacuudiga u dhasay ee kala ah, Omar al-Bayoumi iyo Fahd al-Thumairy, kuwaas oo la sheegay in ay jirto caddayn muujinaysa in gacan saddexaad oo aan la magacaabin ay caawinaad waydiisatay inta aanay weerarradu dhicin.

Sida lagu sheegay warbixinta FBI magaca qofkaas qareenada oo kaliya ayaa ogaan kara. Waxaana intaas lagu daray in faahfaahin dheeri ah la soo saari doono toddobaadyada iyo bilaha soo aaddan.

Weerarradii ay hagayeen urruka Al-Qaeda ee 11 September 2001 – oo sidoo kale loo yaqaanno 9/11 – ayaa waxaa lagu fuliyay diyaarado rakaab oo la afduubtay oo lagu burburiyay dhismooyin ku yaalla Mareykanka, waxaana ku dhintay ku dhowaad 3,000 oo qof. Al-Shabab oo xulafo la ah al-Qaeda waxay mas`uul ka yihiin weerarro dhowr ah oo ka dhacay bariga Afrika.

Isha: BBC

Hadalsame Media