FALANQAYN: Maxaa la gudboon Gaashaanbuurta NATO kaddib guuldarradii Afghanistan?

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2021 – Halkan Hirst ma wax uu rabaa in uu yidhaahdo nadaamka caalamiga ah ee Maraykanku hoggaaminayaa wuu dumay, isaga oo ah markii uu u gu awood badnaa, awooddaa qudheeda ayaana ah waxa dumiyay?

Halkan ka akhri qaybihii kale…

Wax uu lee yahay, Soofiyadku markii uu Afganistaan ku jabay waxaa ka luntay iskukalsoonidii naftiisa iyo ku kalsoonaantii hoggaamiyayaasha, waxaana kale oo ka luntay dareenkii gudashada waajibaadka qaranka, siyaasaddii debedduna waa ay macne beeshay oo musuqmaasuq baa galay.

Farriin ku socota gaashaanbuurta

Waxaa hubaal ah dadyawga reer Galbeedku in ay soo jeedinayaan wayddiimo badan oo ku saabsan siyaasadda debedda ee Maraykanka iyo ujeeddooyinkeeda, taasina su’aal kale ayay u diraysaa amiirrada iyo madaxda Bariga Dhexe taas oo ah in ay iswayddiiyaan:

Imisa toddobaad baad u babac dhigi kartaan ururrada islaamiyiinta marka Maraykanku goosto in uu Bariga Dhexe ka guuro? Israa’iil qudheedu mustaqbal xumadaa ma ku jirtaa, maxaana keenay argagaxa ku dhacay jabka Maraykanka ee Afganistaan ka dib?

Sida uu qabo David Hirst Maraykanku wuu ka hor leexanayaa islaamiyiinta, jabka ayuuna oggolaanayaa sida ka dhacday Daalibaan, waayo rumaysashadii ahayd sarraynta reer Galbeedka iyo hoggaamintiisu waa ay runnimo beeshay, waxaana bilaabatay Maraykanka in saamayntii ka lunto maamulka Biden, is la sidii xilligii Trump, waayo ma laha awood uu wax ku beddelo, wax uuna wadaa in uu shucuubta ismoogaysiiyo iyo in uu maamullada faasidka ah hub iyo hanti siiyo.

Halkaana waxaa ka soo baxaysa wayddiinta ah: Maraykan maxaa u ga hadhay awooddii debecsanayd ee uu dunida ku xukumayay?”.

FG: Maqaalkan waxaa Af Carbeed ku qoray Suleymaan Saalax oo ah macallin aqoonta warbaahinta ka dhiga Jaamacadda Qaahira, ahna mudane baarlamaanka Masar.

Waxaa Tarjumey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media