Jilaa caan oo Hindi ah oo geeriyoodey & sababta geeridiisa oo la isku khilaafsan yahay

0

(Mumbai) 03 Sebt 2021 – Sidharth Shukla, oo ah jilaa caan ahaa oo u dhashay Hindiya, moodal xarrago iyo soo saare, ayaa dhintay isagoo 40 jir uun ahaa, sida lagu sheegay warka hilinka Colors TV, oo uu Shukla ka shaqaynayey.

“Waxaannu, ka Colors ahaan, aad ula muraara dillaacnay geerida fajada ah ee xubin qoyskeenna ka mid ahaa, Sidharth Shukla. Si wayn baa loo tebi doonaa, mana aha qof booskiisa la buuxin karo annaga iyo dunida madadaaladaba.” ayuu hilinku soo tweet gareeyey.

Waloow aan weli xog sugan la helin, misna warbixinnada hore ayaa sheegayey in Shukla uu wadnuhu istaagey, balse sida saaxiibadii laga soo xigtey, Sidharth Shukla ayaa habeen hore bilaabay inuu sheegto, isagoo wax uu cuno ama cabo inta qaatay qolkiisa jiifka tegey.

Shukla ayaa waayihiisa moodalka bilaabay kaddib markii uu noqday Hindigii ugu horreeyey ee ku guulaysta “Best Model of the World” 2005, sida lagu sheegay CNN News 18.

2008, wuxuu ku biiray dhanka jilliinka, isagoo ka qayb noqday musalsalka “Big Boss” iyo “Fear Factor” isagoo daadihin jirey “India’s Got Talent.” — CNN

Dhowr jilaa oo caan ah min Ajay Devgan ilaa Madhuri Dixit, Salman Khan, Akshay Kumar, Asim Riaz ilaa Kiara Advani iyo qaar kale ayaa soo tweet gareeyey tacsi ay ka dirayaan geerida #SidharthShukla.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Bollywood Pap (@bollywoodpap)

Hadalsame Media